fb

Lionel Messi oo aad uga careysiiyay Masaarida! Wax Badan Ka Ogoow Sababta Arintaasi Ka Danbeysay..

Published: April 9, 2016, 5:41 pm

Lionel Messi oo aad uga careysiiyay Masaarida!

Ciyaaryahan Messi ayaa isagoo wareysi siinaya barnaamij ka baxayay TV Masaari ah “MBC Masr” ayuu ugu deeqay Kabo uu horay ugu ciyaaray in la xaraasho Sadaqo la ururinayay Dalka Masar gudihiisa.

Inkastoo Gabadhi Barnaamijka waday ka gudoontay una mahadcelisay hadana waxay ficilkan aad uga careysiiyay dadka reer Masar. Xildhibaan Saciid Xasan ayaa yiri, “Dadkeena reer Masar ma arkin Bahdilaad ka xun ficilkan oo kale Todoba kun oo sano oo Ilbaxnimadeena jirtay!” Kab ayaan kugu dhufan doonaa Messi!, ayuu sii raaciyay hadalkiisa isagoo kabihiisa kor u qaadaya.

Azmy Megahed oo ah Afhayeenka Xiriirka Kubada Cagta Masar ayaa isaguna yiri, Dadkeena Saboolka ah uma baahna, wadankiisa Argentina ayaa sabool ka buuxaa ee ha siiyo”

Iyadoo Dunida in badan loo arki wax weyn in ciyaartoy kabihiisa ku siiyo ama cid ugu deeqo hadana dhaqamo kale waa ficil laga caroodo lagana xumaado.

Qaar badan oo careysan ayaa Inkaar ku tuuray Messi in laga badiyo Ciyaarta caawa ee El-Classico Barcelona vs Real Madrid!

messikabo


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply