fb

Fariimaha Jaceylka Isbuuca Oo Maanta Aad U Xiiso Badan Iyo Weliba Xusuusta Mucaashiqiinta..

Published: April 11, 2016, 10:47 pm

Waqtigu wuxuu ibadaaa inaan iloobo dadka qaarkii, lakin adiga waxaad I badaa inaan waqtigaba iloobo oo aan kala garan waayo xiligey qoraxda soo baxday iyo xiligee dhacday.

Jaceylku malahan farxad dhamaad leh, maxaa yeelay jaceylka dhabta ahi siduu ku dhamaado ayaa adag, jaceyl dhab ahna intuu jiro murugada xattaa lamaanahaasi farxad bey u tahay.

Ilinta aan xadidi karin ee ka soo burqaneyso indhaheyga waxey astaan iyo naxariis dhab ah u tahay jaceylka aan kuu qabo, Fikirka joogtada ah ee aan maskaxdeyda ka dhamaan wuxuu tusaale u yahay cishqiga aan kuu qabo.

Waqtigu waa mid xanuun iyo farxad joogto ah I bado, maxaa yeelay markii aan xasuusto wadajirkeenii aad baan u farxaaa, hadana daqiiqado kadib waxaan xasuustaa kala fogaanshaheena hadane aad baan u murgaa, sidaa darteed macanto waxaan ku leeyahay Waayaha Waqtigaa U Macalina…!!!!

Macaanto hadalkeyga ugu danbeeyo maalin weliba waxa weeye Anigu waan dhiman karaa balse xusuusnoow jaceylkeyga ilama dhimanayo wuxuu ahaanayaa mid inta dunida ka dhiman sii jiro , xili walbana xasuusteyda ayaa kula joogto, sidaan aniguba u weheshado xasuusta kulul ee kasoo burqata maskaxdeyda.

Xabiibi Waxaan doonayaaa inaan kuu sheego, Inaan Jeclahay indhahaaga, dhoola cadeyntaada, wejigaaga, iyo naxariistaada joogtada ah ee aan marnaba iloobi karin.

Aragti walbo aan ku arko waxaad iga istaahishaaa inaan fiyooraha jaceylka ku gudoonsiiyo, balse hadaan mar walbo aan kuu xiiso ku hadiyadeeyo hal ubax maalin gudaheed waxaan ku beeri karaa beerta ubaxa ee dunida ugu weyn maxaa yeelay si joogto ah ayaan uugu xiisaa sikin kama baxdid xasuusteyda.

Miyaad la socotaaa sida Qof Bini Aadan Ah wadno la’aantiis u noolaan karin, inaan aniguna adiga la’aantaa u noolaan karin, Miyaad la socotaa malaayga inuusan noolaan karin biyaha la’aantood, anigana sidaa oo kale adiga la’aantaa manoolaan karo, noloshana wax micno ah iima lahan.

 W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply