fb

Dhowr Arrimood Oo Dhici Kara Marka Teknoolajiyada Cusub Adduunka Zaaid Ugu Faafto ‘Madadaalada Kobciye.Com’

Published: April 9, 2016, 1:30 pm

1. Hooyo Cusbitaal gabar ku dhashay: “waxaan u bixinaynaa Sahra.” Dhakhtaradi: “Magacaa horaa loo qaatay laakiin waxaad u bixin kartaa Sahra3432 ama Sahra_516

2. Madax Moshin ka doodeysa: wixi dood & codeyn ah Twitter bay nooga sii soconeysaa

3. Laba oday oo sheekeysanaya, Oday 1aad: waxaan ka welwelsanahay waxa gabadheyda Snapchat geliso. Oday 2aad: waxaan ka welwelsanahay waxa wiilkeyga soo download-gareysto

4. Wiil yar oo Hooyadii la hadlaya: Sidee ku dhici kartaa inaa magac keliya ii bixisaan aan Password lahayn?

5. Caruur qeylinaysa: maxaa Wi-Fi (Internet) ku dhacay? Waalid: annagaa soo daminay si aan Qadada idiinku yeerno markaa idin weynay

6. Laba dumar oo is wareysanaya, S. Ka waran xafladi taageerada Tolka, Khudbado fiican, heeso, gabayo ma ka dhaceen meesha? J. Yaa war u haya sawiro gelid & selfie iska qaadid baa lagu wada mashquulsanaa

7. Wiil 1: Sxb, waa maxay ujeedada nolosha? Wiil 2: Ma garanayo. Google baan ka eegayaa.

8. Masaakiin tuugsaneysa: Account Mobilkeyga iigu shub lacagta. Waxaad nagu soo booqan kartaan barteena internet-ka www.etuugsi.com

9. Hooyo odaygeedi la hadleysa: Oo haddi gabadheeni nin ku dartay maxaa iigu sheegi weyday? Odaygi: Fb bay ku soo qorteen inay is guursadeen, aniguba halkaa uun baan ku arkay!

10. Macalin Alphabet arday baraya: A-Apple… F-Fb. G-Google. I-Internet… K-kkkkkk… L-Like… S-Samsung… V-Viber…

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply