fb

Cajiib Iftiinka Aad Dunida Ku Leeedahay Halkaan Ka Dhex Dooro “Afartii Shumac”..

Published: April 11, 2016, 7:36 pm

Afar shumac “Candles” oo qun yar u gubanayey, tii ugu horreysay ayaa tidhi; “Waxaan ahay nabadda beryahan cidna ima doonayso, in aan sii ifo, dabadeed iftiinkii nabadda ayaa shiiqay ilaa uu bakhtiyo.”

Shamacii labaad ayaa yidhi; “Anigu waxaan ahay iimaanka, laakiin beryahan dambe waxaan noqday waxaan noqday wax laga maarmay.” Dabadeed, wuxuu bilaabay inuu aayar u shiiqo ilaa is bakhtiiyo.

Shamacii saddexaad ayaa yidhi; “Anigu waxaan ahay jacaylka awoodii aan lahaa waa la ilaaway oo horseeday in aan la is jeclaan, la isfahmin oo la kala fogaado.”

Dabadeed marqudha ayey bakhtiday in yar kadib maqsinka waxa soo galay inan yar oo arkay saddexdii shamac oo bakhtiisan, dabadeed waxa uu bilaabay inuu ooyo, haseyeeshee waxa uu maqlay cod macaan, codkaas macaan wuxuu ku yidhi; “Inankii yaraa, ha baqin, waxaan ahay shamacii afraad.”

Markuu weydiiyey ee uu ku yidhi maxaad xambaarsan tahay? Waxa uu ugu jawaabay; “Waxaan ahay shamacii yididiilada oo weli shidan, inta aan shidanahayna wax kasta oo kale dib ayaa u shidi karaa, kadib inankii yaraa ayuu ku amray shamacii yididiiladda iftiinkiisa inuu ku shido saddexda shamac ee kale, inankii yaraa ayaa qaaday shamacii yididilada oo shiday saddexdii kale, isagoo faraxsan ayuu yidhi hadddan yididiloo jirin nabad, jacayl iyo iimaana ma jirayaan….

Akhristaha Kobciye.com Maxaad Ka Fahantay Qormadaan Gaaban


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply