fb

Barnaamij MA OGTAHAY Oo Maanta Xiiso Gaar Ah Xambaarsan Iyo Qodobo Aad La Yaabi Doonto Iney Dunida Ka Jiraan..

Published: April 14, 2016, 12:57 pm

AQOON KORORSI

Ma ogtahay aqriste?

– in Haddii uu wel wel ku haayo,ood wajiga ku dhaqatid biyo qabow in wel welku kaa tagaayo.

– in Hadaad si aad ah u fiiriso wajiga qofka aad la sheekeysaneyso ay yareyneyso kalsoonida uu kugu qabo qofkaas.

– Hadaad kaligaa fadhiisato qol mugdi ah 5 daqiiqo iyo ka badan adiga oo usticmaalin wax aalad ekektarooni ah ay kaa yareyneyso wel welka iyo cabsida.

– In eeyaha lagu taba bari karo in ay uriyaan oo ay ogaadaan qofka qaba kansarka sambabada iyaga oo ogaan kara calaamadahiisa ka hor inta uu ku dhicin ruuxa.

– In rooseetada ay naagaha afka ku gaduudsadaan laga sameeyo qolfoofta malaayga.

– dooliga in uu qoslo marka aad u xan xanteyso.

– In dadka lugaha dhaa dheer ay ka caafimaad badanyihiin dadka lugaha gaa gaaban.

– In wadanka sacuudiga uu yahay wadanka sedexaad ee dunida ee dhalinyaradiisu ugu caajiska badanyihiin marka laga reebo wadamada malta iyo isweserlsnd.

– In naagaha wadamada khaliijka ay yihiin kuwa ugu caajiska badan haweenka dunida oo dhan.

– Ninkii ugu horeeyay ee soo alifa fikirka sarifka lacagaha,uu ku dhex jiray musqusha marka uu soo alifaayay sarifka lacagaha.

– In maskaxdaadu ay awoodo in ay isla markiiba kala ogaato qofka ku fiirinaaya in uu kula dhacsanyahay iyo in kale.

– In qof walba uu leeyahay saaxiib caato ah oo wax badan cuna isla markaana aanan cayileynin.

– In dhilmaanyada(dhadiga) ah ay bani aadamka qaniinto kaliya,si ay ukun u dhasho,halka dhilmaanyada(labka)ay marnaba bani,aadamka qaniinin waxaa ay cuntaa ubaxa geedaha.

– In haddii aad indhaha usku qabato aad soo xasuusan kartid waxaad horey u ilowday si dhaqso ah.

– In fiirsashada filimada horerka ama cabsida ay isla fiirsadaan lamaanayaasha ay isku soo dhaweyneyso qalbiyadooda haddii uu khilaaf ka dhex jiray markii hore.

– In dadka wax aqriya waxna qora ee wadanka jabaan ay gaareyso %100,taas macnaheeda waxa waaye wadanka jabaan kama jirto jaahilnimo.

– In marka aad seexan rabto ay %93 maskaxda bani aadamka ay soo xasuusato waxa ay jeceshahay naftaada in ay sameyso.

By:Mohamed deeq
Facebook.com/deeq1982


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply