fb

Akhriso Qaboojiyaha “AC” ee loo Isticmaalo Guryaha Iyo Xafiisyada Iyo Cuduro Halis Ah Oo Laga Qaado.

Published: April 10, 2016, 5:57 pm

Daraasado kala duwan ayaa caddeeyey in qoobijaha hawada ee AC-ga loo yaqaannaa uu dadka ku keeno khataro caafimaad oo kala duwan.

Cilmi baadhistii ugu dambaysay oo uu Kobciye.com natiijadeeda ka soo xigtay majaladda Top Sante ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in khatarahaas caafimaad ee AC ga ka dhashaa ay u badan yihiin dhinaca hab-dhisyada neerfayaasha iyo neefsiga.

Cilmibaadhistan ay majaladda Top Sante ku faafisay cadadkeedii ugu dambeeyey ayaa daahfurtay in qofka oo saacado badan AC isticmaalaa ay kento xanuunno ku dhaca indhaha, xaglaha iyo hab-dhiska neefsiga, sidoo kale hawada qoyaanku ku ladhan yahay ee ka soo baxda AC-gu (Ruduubad) waxa ay caabuq ku keentaa sambabada, gaar ahaan dadka uu hore xanuun ugu jiray sambabkooda iyo dadka qaba cudurka xiiqda.

Cilmibaadhiso caafimaad oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in qabowga ka soo baxa AC gu uu cidhiidhi ku keeno dhuumaha neefta. In kasta oo ay daraasaduhu sheegayaan in ay isku mid tahay marka ay hawada AC gu ku dhacdo qofka oo hurda iyo marka uu soo jeedo, haddana waxa ay si gaar ah hoosta uga xariiqayaan in marka uu qofku saacado badan jiifo qol AC ka baxayo in uu ku keeno daal, burbur, hurdo la’aan iyo muruqyada oo guntama gaar ahaan qaybaha jidhka ee ay hawada AC gu ku dhacaysay.

Dhinaca kalana waxa ay khubarada arrimahan ku xeel-dheeri sheegayaan in sideedaba jeermiska iyo bakteeriyada keena cudurrada ku dhaca hab-dhiska neefsigu ay aad u firfircoonaadaan marka uu heer-kulku aad u hooseeyo, taas oo ah xaaaladda dhacda marka uu qofku si aad ah AC u isticmaalo.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in hawada AC gu marka ay si toos ah indhaha ugu dhacdo ay keento in ay uumi baxdo ilmada ku jirta indhaha, mushkiladdaas oo inta badan dhacda xilliga xagaaga xataa haddii aanu qofku AC isticmaalayn, waxa aanu AC gu indhaha ku keenaa cuncun iyo in mararka qaarkood uu qofku u qaato in saxar, ciid yar iyo wax la mid ahi ay isha ka galeen.

Culimada arrintan u baadhitaanka ku sameeyey ayaa sheegaya in meelaha ugu badan ee ay hawada AC gu ku dhacdaa ay tahay raqabadda, iyo dhabarka oo labaduba xasaasi ah maadaama aanay lahayn dabaqadda dufanka qarada leh ah ee inta badan ku dahaadhan jidhka kale si ay u ilaaliso muruqyada, waxa aanay culimadu sheegayaan in is beddelka kediska ah ee tooska ah ee uu AC gu ku keeno heer kulku in uu sababo in ay ururaan muruqyada yaryar, taasina ay keento in dhererka muruqyada kala tago, isla markaana ay ku timaaddo giijisnaan ka adag inta dabiiciga ah, waxa aanay qofka ku keenaysaa xanuun badan oo mararka qaarkood aanu u adkaysan karin.

Dhibaatooyinka kale ee uu hawo-qaboojiyuhu keenana waxaa ka mid ah:

– Qofka oo ay ku adkaato in uu la qabsado hawada qabow. Waxaana dhacda in qofku haddii hawo iyo cimilo aad u kulul ku qasbanaado in uu ku noolaado ama cabbaar joogo in uu miyir beel ku dhaco.

– Maqaarka (Dubka) oo qallayl noqda, maadaama oo hawada AC gu ay qoyaanka iyo dufanka dabiiciga ah ka qaadayso, haddii aanu qofku wax ka qabanna waxaa dhici karta in uu jidhku dil-dillaaco.

– Daal iyo burbur joogto ah: cilmi baadhis la sameeyey ayaa xaqijisay in dadka sida joogtada ah u isticmaala hawo-qaboojiyuhu ay boqolkiiba toddobaatan la kulmaan madax xanuun badan, cabudh, hargab iwm.

– Hawo-qaboojuhu (AC) waxa uu keenaa dhiigga oo hoos uga dhaca inta dabiiciga ah, Roomatiisam, iyo caabuq ku yimaadda neerfayaasha qaar.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply