fb

Xusuusnoow Inaadan Marnaba Xaqirin Uunka ALLE Adigoo Kaashanayo Shantaan Qodob Ee aan Laga Leexan Karin.

Published: October 25, 2015, 1:34 pm

Walaal ha Xaqirin Ruux ka mid ah Uunka Alle, waxaa laga yaabaa inuu yahay Dadka midka ugu Fadliga Badan Eebe Weyne Agtiisa.

Waxaa la yiri:- Allah Shan (5) ayuu ku Dhex Qariyey Shan (5) kale Dhexdooda:-

1- Leylatul Qadri wuxuu ku Dhex Qariyay, Tobanka Dambe ee Ramadaanka, weliba Tirada is Dheer.

2- Salaadda Dhexe wuxuu ku Dhex Qariyay, Salaadaha Dhexdooda.

3- Saacada ijaabada wuxuu ku Dhex Qariyey, Habeenkii kolka Saddex meel loo Dhigo, meel ahaan iyo Maalinta Jimcaha Dhexdeeda.

4- Dembiyada Waaweyn wuxuu ku Dhex Qariyey Dambiyada kale Dhexdooda si Dembiyada oo dhan looga Dheeraado.

5- Weliga Alle waxaa lagu Dhex Qariyey Dadka Dhexdooda, Garan Meysid Ruuxan ma Owliyaa Mise ma ahan, si aydaan u Eegin Ruux Adigoo Xaqiraya.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW NOO DEMBI DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply