fb

Xeerarka Xadaaradda Nolosha Bini’aadamka Iyo Qalinkii Abdirahman Maxamed (Xiddig)

Published: October 20, 2015, 1:02 pm

Haddii aynu fiirino oo aynu ka fakarno dadka ku nool Caalamka aynu ku dhex-noolnahay, waxaynu arkaynaa dadku in ay u qaybsanyihiin dad hormaray oo isku filnaasho nolosha ah xag walba ka gaarey iyo kuwo sabool ah oo calooshoodu dhulka ku dhegentahay, iyaga oo markaas u cawda dadka kale ee dunida kula nool si loo caawiyo.

Su’aasha da’da weyn ee falanqeenta faahfaahsan u baahan, fahamka fiyoowna uu keensanayo, taasoo qof walba oo caqli leh isweydiin karo ayaa ah eegidda iyo ogaanta faraqa u dhaxeeya labadaas dad ee caalamka ku wada nool, farqigaas oo ka dhigaya qolana xadaarad in ay yeelato, qolo kalena xadaarad la’aan in ay noqoto.

Mufakkarkii  Muslimka ahaa ee reer Algeria, Maalik Binnabi ayaa waxa uu tilmaamey sababaha hormariyey caalamka Galbeedka iyo sababaha caalamka kale oo ay Muslimiintu u badanyihiin hoos u dhigey. Waxa uu ku sababeeyey saddex qodob in ay xooga saareen Caalamka galbeedka, halka caalamka Muslimiinta ay ka gaabiyeen saddexdaas qodob. Waa saddex qodob oo xadaaradda sameeya, qoladii ku dadaashana Alle uu siinayo hanashada dunnida aynu ku noolnahay.

Waxay ku magacaabaan culumada Muslimiinta qodobadan oo kale Sunnanul Kawniyyah ama Sunnanul Ilaahiyyah. Waana kuwo u siman dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aan Muslimiinta aheyn, kuna xiran oo kaliya dad walba iyo dadaalkooda. Maalik Binnabi waxa uu ku tilmaamey qodobka koowaad maalgashiga dadka.  Waxa uu ku tilmaamey qodobka labaad kheyraadka dhulka oo laga faa’iidaysto. Qodobka saddexaadna waxa uu ku tilmaamey wakhtiga oo si dhab ah loo isticmaalo loogana faa’iidaysto,.

Maalgashiga dadka waxaa lugu tilmaamaa maalgashiga ugu fiican ee ay bulshadu ku sameyso mustaqbalkeeda. Dalalka hormarey waxay ku xisaabtamaan dadkooda ugu soo baxa  jaamacadaha iyo kulliyadaha farsamada ee diyaarka u ah in ay soo galaan saaxadda shaqada si ay dhaqaale iyo dheefba ugu soo kordhiyaan bulshadooda. Muruq, maskax iyo maalba waxaa lugu baxshaa dadka ardayda ah si ay u ogaadaan qiimaha iyo quruxda ay leedahay waxbarashada si hadhowtii cilmigoodii iyo farsamadoodii ugu soo ceshaan bulshadooda.

Dalalka xooga saarey waxbarashada ee ogaadey in iyada kaliya lugu hormari karo waxaa ka mid ah Japan. Sidaas ayeeyna ku noqdeen dalka labaad ee caalamka ugu dhaqaalaha iyo xadaaradda badan iyadoo ay ka soo wareegtay 68 sano oo kaliya burburkii baaxadda weynaa ee loo geystey dagaalkii labaad ee adduunka.

Xaafad walba oo Japan ka mid ah waxaa ku dhex taala maktabadaha buugaagta lugu akhristo. Sidaa daraadeed dadkooda wax akhriya oo qora Japan waa 100%.  Sidaa si la mid ah, lacag gaareysa $ 130,000(Boqol iyo Soddon kun oo Doolar) ayaa lugu maalgaliyaa arday walba dalka Maraykanka laga bilaabo dugsiga hoose ilaa uu ka dhameeyo dugsiga sare. Isla dalka Maraykanka ayaa waxaa lugu baxshaa dakhli laba  jibaar u dhigma dakhliga soo gala shirkadaha teleefonada gacanta taakuleynta iyo tayeynta waxbarashada.

Halkaas waxaynu ka qiyaas qaadanaynaa tartanka dalalka hormarey ay ugu jiraan taabagelinta iyo toosinta kaabayaasha waxbarashada maadaama ay tahay habka ugu fiican ee bulshada mustaqbalkeeda lugu maalgalin karo. Maalgashiga aadanaha lugu sameeyo waa maalgashi aan lumeyn, lana hubo in liibaan uu u keenayo bulshadii ku dhaqaaqda. Maalgashiga lugu sameeyo aadanaha waxa uu hormariyaa kaabayaasha nolosha oo dhan.

Tiirka labaad ee xadaaradda aadanaha sameeya waxaa lugu tilmaamaa maalgashiga dhulka oo loola jeedo ka faa’iidaysiga kheyraadka ku hoos jira dhulka iyo camiradda dhulka korkiisaba.  Dhulka hoostiisa kheyraadka ku jiro lama tirin karo, waana sababaha Alle dhulka korkiisa nooga dhigey kuwo ku nool. Haddaba la soco si loo helo kheyraadka dhulka hoostiisa ku duugan, waxaa loo baahanyahay dad cilmi iyo caqliba leh oo soo saara macdanta ku jirta dhulka hoostiisa.

Sidaas dardeed ayuuna maalgashiga aadanaha uga horeeyaa maalgashiga lugu sameeyo waaxaha kale ee nolosha.  Dhulka waxaa laga helaa agaasimayaasha aasaaska nolosha aadanaha oo dhan. Birta, biyaha iyo batroolkaba dhulka ayaa laga helaa. Macdanta la isticmaalo iyo miraha la cunaba dhulka ayaa laga helaa. Cuntada la karsado iyo cawska guryaha lugu dhistaba dhulka ayaa laga helaa.

Maado walba oo uu aadanaha u baahanyahayna dhulka ayeey asal ku leedahay. Kolka lugu guuleysto la soo bixidda kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira, ayuu aadanaha u gudbaa camiradda dhulka uu ku noolyahay korkiisa isaga oo ka dhisa dhulka korkiisa wax walba oo uu isleeyahay way u sahlaysaa noloshiisa. Haddaba, ogow in aad u yeeratid dad kale oo aad ku tiraahdid ii qoda dhulkayga si aan kheyraadkiisa uga faa’iidaysto lama yiraahdo, lugumana tilmaami karo ka faa’iidaysiga kheyraadka dhulkaaga hooyo.

Tan ayaana sababtay in dalal farabadan oo Muslimiin ah uga noqdaan marti dad kale kheyraadka dhulkooda hoostiisa ku dhex duugan.

Wakhtiga oo laga faa’iidaysto, daqiiqad walbana qorshe iyo jadwal loo sameeyo ayaa ka mid ah tiirarka xadaaradd aaadanaha sameeya. Dad walba inta ay maalgaliyaan wakhtigooda in la’eg ayeey faa’iido iyo natiijo helaan. sidaa daraadeed macquul ma aha in ay isku natiijo gaaraan dad shaqaysta afar iyo labaatanka saac iyo dad shaqaysta kaliya afar saac maalintii. Macquul ma aha in ay isku natiijo gaaraan dad shaqeeya todobada maalmood iyo dad shaqeeya afar maalmood ama shan maalmood usbuucii.

Macquulna ma aha in ay isku natiijo gaaraan dad shanta sano ee soo socda qorshe maalmeedkoodii uu u degsenyahay  iyo dad aanba u degsaneyn qorshahoodii maalintaas ay ku shaqo gali lahaayeen.  Bal ii sheega sidee ay isku natiijo u noqon karaan dad il- biriqsi kasta, daqiiqad kasta iyo saacad kastaba walbahaar iyo wadna kur-kur ay ku hayaan, iyaga oo ka baqaya hawshii loo xilsaarey in ay dhameysan waayaan, hawl kale oo markaa laga sugayayna ay ku soo gasho iyo dad doonaya il- biriqsi kasta, daqiiqad kasta iyo saacad kastaba in ay dib u dhigaan iyaga oo aan ka walwaleen walbahaarna aan ku hayn qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay wakhtiga.

Maalgashiga dadka oo lugu daray ka faa’iidaysiga kheyraadka dhulka, luguna sii daray wakhtiga oo si dhab ah looga faa’iidaysto ayaa waxaa lugu tilmaamaa tiirarka xadaaradda aadanaha sameeya. Ogow oo Muslimiintu markii ay ka taageen tiirarka xadaaradda caalamka, iyaga ayaa u ahaa muraayad adduunka, muraayaddaas oo qof walba uu jeclaa in uu iska dhex arko.

Xadaaraddoodii waxa ay gabaabsi noqotay ka dib markii khilaafaad xad dhaaf ah uu soo dhex galay, kaasoo ka dhigey in ay dib uga dhacaan ummadihii adduunka ay kula noolaayeen, kuwaasoo markii hore cilmi iyo caqliba ay ka horeeyeen. Waa tusaale ina tusinaya cadaabta iyo cawaaqib xumada khilaafka uu leeyahay.

Ugu dambayntii, bal ila fiirsha tixdan uu tirshey Abwaan Shube isaga oo ka hadlaya sida xadaaradda caalamka aynu uga dhacnay innaga oo waliba hal qawmiyad ah. Waxa uu tilmaamayaa caqligii iyo cilmigii uu Alle ina siiyey intii aynu dhinac iska dhignay in aanuba banii aadinimada oo dhan ka hoos marnay.

Waxa kaloo uu tilmaamayaa Abwaanka ahmiyadda ay leedahay in aan ka faa’iidaysano dhulkayaga iyo kheyraadkiisa, dhulkaas oo noo horseedi karo hormar iyo xadaarad balaaran. Maansadu iyada ayaa is sharaxdee aan idiin kalo baxo idinka iyo ereyadii Abwaan Shube.
Dadkaygaan la hadlayaa,
Waxaan leeyahay dadoow,
Dabkii gubashada badnaa,
Kulkii danqashada lahaa,
Kuwii nolosha u darnaa,
Midkay nugu soo gubeen,
Ado wali diiftii qaba,
Dushaadana boogihii,
Iyo ku yaaliin daqaradii,
Adoo dambaskii yaqaan,
Dambaaburadii ogsoon,
Ujeedana dogobyadii,
Inaad darsataan cagaha,
Ma diidaniyoo arkaye,
Dadkaygoow waa sidee,
Kaskiinu ma doorsanyahay,
Maxaa damanta u tihiin,
Dunida aadmiga ku nool,
Maxaad ugu dayan la’dihiin,
Dhigeen waxay doonayaan,
Maxaad uga daahantihiin,
Danteena maxaa ka dhigay,

Dadkaygaan la hadlayaa,
Waxaan leeyahay dadow,
Ilaaheey nama darbeen,
Dhigeen noogama darneen,
Wuxuu ina siiyay deeq,
Midaan duniba lahayn,
Dabaysha macaankaliyo,
Cadceeda na diirisiyo,
Hawadan degen baa ka mid ah,
Dalkeena barwaaqada ah,
Nimcoolayda daaqda iyo,
Duunyada fooftaa ka mid ah,
Dubaaxdaa aan qalano iyo,
Dararta aan maalano iyo,
Doobiga buuxaa ka mid ah,
Ha yeeshee waxaa damman ah,
Damiirkii garan lahaa,
Inay dihin ciidu tahay,
Dulyaashkana dhowri lahaa,
Dahsoontana baari lahaa,
Doorkii cilmigaan shaqayn,

Dadkaygaan la hadlayaa,
Waxaan leeyahay dadow,
Dagaalama waan kasnaye,
Isdaaya ma garan karnaa,
Qaxoo dida waan karnaye,
Miyeeynaan daga aqoon,
Daaraha duminoo gubnaye,
Miyaan dada la oranayn,
Miyaan la dareemi karin,
Inaan dirir wiil ku dhalan,
Inaan baryo qoom ku dagin,
Inaan diihaal ku bi’in,
Inaan diintu ogolayn,
Inuu dawarsigu xunyahay,
War miyaa la dareemi karin,
Inaan dawladu ahayn,
Siday rag u doonayaan,
Miyaadan dareemi karin,
In aad isku diin tihiin,
In aad isku diir tihiin,
Dal qura wada leedihiin,
Markaad dibadaha tagtaan,
Dunidu in ay noo taqaan,
Dadkii Soomaaliyeed.

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
Xiddig@gmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply