fb

Wax Badan Oo Aadan Ogeyn Ka Ogoow Khilaafka Qoyska Iyo Xalintooda…!!!

Published: October 19, 2015, 9:58 pm

Assalamu alaikum warahmatullahi wabarakatuh 

Khilaafka Qoyska iyo xalintooda 

Runtii mowducaan inaan ka hadlo waxaa iigu kalifay cabasho badan oo xagga qoyska ee I soo gaaray, waxaa u malaysaa in dumarkeena soomaliyeed ay ugu horeeyaan, Ragga sidooda mas’uuliyad ayaa saaran sidaas ay tahay si la mid ah dumarka ama haweenka la qabo mas’uuliyadaas oo kale ayaa saaran, Runtii guurka waa wax weyn mana ahan wax la fududeysto waxaana ka sii weyn furitaanka Mana wanaagsan in maanta laba qof oo is qaba is furaan oo gurigooda iska dumiyaan.

Waxaad arkaysaa dumarkii raggii ayaa khalad ka galaaya way caroonaysaa hadalka ugu horeeya ay ku hadleyso waxa uu noqonayaa I fur haddii aad weliba nin ragg tahay ??!!Ninkiina Asaga oo iska tiirinaaya Ayuu meesha ku furayaaa … Meesha maxaa ka dhacay !!! Guri dhisnaa oo dumay,, Labo qof oo nolo wadaagi jiray ayaa kala tagay.. Marka sidee lagu xalin karaa khilaafyadaas ???? Xal ma leeyihiin Mise Malaha??!!

Ragga iyo Haweenka Eebaa isu Abuuray mid walbana si ayuu u abuuray, una yeelay shaqooyin lagu kala haboonyahay sida Uurka, Nuujinta iyo wixii la mid Ah.. Sidaas darteed mar hadiii meel lagu wada noolyahay waa in Ninku ilaaliyaa Qoyska oo nafaqeeyaa, Oo Hogaamiye u Noqdaa,

Haweeneyda fiicanna waa tan suuban ee dhawrsoon, hadday gaftana waa la waanin, haddii laga Noogana waa laga fogaan jiifka lana edbin, hadday toosnaato wax jid ah laguma leh, hadduu khilaaf yimaado waxaa loo bixin Qaraabada labada dhinac…

Qiso yar ayaan idiin soo warinayaa ila Aqriya Sheekha riyooyinka fasiro, Sheekh wasiim yuusuf ayaa waxa uu ka sheekeenayaa arin ku dhacday, gabar ninkeeda furiin ka dalbatay,Muddo ka hor haweeynay ayaa iila hadashay macnaha waa fariin dumarka ku socota Mararka qaar haweeynaydu hadal ayey ninku ku tuurtaa Ninka ragga ma ahan sida dumarka macnaha ninka haddii sharafkiisa lagu tunto ma ahan sida dumarka, dumarka waxaa laga yaabaa inay hadalkaa u dulqaadato dhegtaan ayey gelinee tan kale ayey ka bixinee ma ahan sida ragga Ninka ragga ah kalmad ayaa disho.

Nabiga c.s.w wuxuu yiri “ Ilaahow Adigaan kaa magan galay Qahirka Ragga” ma uusan dhihin qahirka dumarka qofka ragga hadii sanka laga qabsado wuxuu sameynayaa wax ayna cidna sameyn dhib ayuu geysanayaa libaax ayuu noqonayaa waa sidaas xaalada ragga (Haweenay ayaa iila soo xariirtay way oynaysay ilaah aan ku dhaartee oohinteeda ayaa oohin iiga keeni gaartay markaas ayaan dhahay walaashey nafta Adkey si aan kuu maqlo sheekadaan dhageyso gabdhii nin leh Rabigeeda haku mahdiso maxaa kugu dhacay waxay dhahday dambi dhaaf ma leeyahay aniga ??

Maxaa waaye dambi dhaafka maxaad sameysay ?? waxaa niyadeyda ku soo dhacay arrimo waaweyn waxaan dhahay waa maxay towbadaada )” Waxay dhahday aniga iyo ninkeyga ayaa dhib inaga dhex dhacay Ilaah aan kugu dhaarshee dhagayso waxa dhacay Ninkayga wuxuu gacantiisa midig ku taakiyey garkiis waxay dhahday.

Aniga waxaan fadhiyey barandada ama daashka waana canaananaayey waxayna dhahaayey Adiga haddii aad nin tahay ifur Adiga sharaf ma lihid hadii aad sharaf leedahay ifur Asagana wuu I soo fiirinayaa waxay dhahday wlhi ciyaalkeyga ayaan wadanayaa Albaabka maxkamadana waan kugu ceebaynayaa caruurtaadana heli maysid,

Isbuuciina halmaalin ka badan arki maysid waxay dhahday wuu I soo fiirinaayey ASaga waxaan dhahay ii jawaab adiga nin ragga ma tihid markuu aamusay waan cabsaday markii aan xaggiisa Aadayba nafta way ka baxday Amblaasta ayaan la xiriiray way imaadeen wuxuu u dhintay maskaxdiisa ayaa istaagtay waa uuu adkaysan waayey waxay leedahay towbad ma ii banana tahay ciyaalkeyga aniga ayaa ogoon ka dhigay sidoo kale ragga iyo dumarka ma dareemaan nimcooyinka Alle ilaa ay waayaan sheekadaan markaan maqlay waan gariiray waxaana dhahay Alle waxaan ka baryaa imtixaanka lagu imtixaanay in uu na imtixaanin ee towbad keen.

Naag dhaheyso ninkeeda nin ragg ma tihid sharaf hadii aad leedahay Ifur Nebiga c.s.w wuxuu yiri haweenayda ninkeeda fariin ka dalbata dhib la’aan waa ka xaaraan carafta jannada sidoo kle Nabiga c.s.w wuxuu leeyahay kuwa furiinka dalba waa eyaga munaafiqiinta furiinka dhaca caruurta oo joogaan waa dambi aan la cafinayn…

Haddii aad wax ka fahamtay mowduucaan hoos inoogu reeeb
Wabillaahi Towfiiq

Waxaa Qoray Aquukum fillAah: fahad isse 

Xigasho Bogga: QuraanKa MacnihiiSa Afka SoomaaLiGa


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply