fb

Waayahaan Danbe Maxaad Ka Taqaanaa Qaababka Cajiibka Ah Ee Jaceylka Soomaalida Kusoo Biiray?!!!

Published: October 20, 2015, 12:00 pm

Jaceylku sidiisuba waa dareen si naxariis iyo xiiso ku beerantahay kaga soo biloowdo halka laga maamulo jismigaaga waa wadnahee ‘Qalbiga’, dhalinta qaar ayaa jaceylkii u dhalan rogay qaab ku kalifay bulshadii jaceylka aaminsanaa ineey ka aamin baxaaan.

Horay waxaad maqli jirtay waan ku arkay waan ku caashaqay, balse shabakada kobciye.com hada waxeey kuusoo gudbineeysaa arin cusub waxaad maqleeysaa waa leygaga kaaa sheekeeyay waan ku caashaqay,qofbaa wiil ama gabadh amaanayo oo dhahayo qofkaasi inaba caadi maahan, qofkii loogu sheekeeyay sheekadii lee ayuuba qofkii ku jeclaanayaaaa, waan ku maqlay waan ku caashaqay.

Bulshada soomaaliyeed qaasatan dhalinyarada waxeey jaceylkii u badaleen qaabab cajiib ah ah oo aan marnaba qofka daadagi Karin, taasoo ugu danbeyn sababtay in rag iyo dumarba lakala aamin baxo.

Jaceylkii fudeed ayuu noqday taasina waxeey sababtay in si fudud lagu kala tago, hadaba akhristoow adiga macula tahay in jaceylka si fudud ku beermo, haa waa run si fudud wuu ku beermaa lakin fudeedka qaabka aan u aaminsanahay maahan.

Jaceylka in laga aamin baxo waxaa sababtay In rag iyo dumarba la waayay qof ka run sheego sida aay dunida ugu soo biireen aaladaha xiriirka sida Internetka, Teleefanka gacanta I.W.M.

Hadaba akhristaha kobciyemedia.com adigu maxaad is leedahay in jaceylka raga iyo dumarkaba ka been sheegaan leyskana aamin baxo maxaa sababi karo, fikradaada dhanka hoose ku reeb si akhristayaasha xigo ugu faaideystaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply