fb

Waa Maxay Wada Noolaansho Sideena Ula Noolaan Kartaa Bulsho Kale.

Published: October 24, 2015, 3:16 pm

Dunida waxaa la hubaa inuusan bani aadanka kala maarmin ,marnaba qof nooolaan karo majiro kaligiis,si hadaba aad ula noolaato dadka kale ha noqdeen shisheeye mise dadkaaga Soomaaliyed,

Halkaan waxaan idin kusoo gudbinaa qaacidooyin dhowr ah uu kugu kaalmeynaayo wada noolaanshaha wanaagsan :

1-Ku dadaal inaad hesho wax adi iyo dadka kale aad la nooshahay idinka dhaxeeyo (common factor) si aad ugu kulantaan waxaas idinka dhaxeeyo.

2-Waxaad barataa cilmi walbo kugu kaalmeeynaayo inaad hesho qodobka kor aan kusoo xusnay,tusaale ahaan waxaad barataa luqada dadka aad la nooshahay ,ciyaar iyo wax walbo kugu kaalmeynaayo inaad dhistaan nolol nabad galyo ku dhisan.

3-Dadka ku dhexmilan ha iska dhexbixinin,mujtamaca aad la nooshahay sida ay u hadlaan iyo qaabka ay us heekestaan,kuhadal hadii aad awoodo luqada mujtamaca aad la nooshahay adoona tirtireynin asalkaada oona og huwiyadaada waa lama taabtaan.

4-Ha diidin fikrad walbo la keeno si aan kala sooc laheyn,balse isku ay inaad si farsameysan aad u bedesho iyadoon la isku dhaceynin ,naftaada sii masaaxad ay ku fikirto.

5.Ha dulminin qof bani aadan ah haduusan kugu ra’yi aheen si aysan isu bedelin cadawtinimo.

6- Niyadaada khaalis ka dhig wax walbo aad sameyneyso xiliga aad la tacaamuleyso dad kale iyo xili waliba.

7-dadka kale ixtiraam u muuji si aad u kasbato quluubtooda hadii aad rabto wada noolaasho.

8-waxaad noqotaa qof jilicsan ,macnaha qof aan ad adkeen dadka bani aadanka ma jecla qofka xirxiran oona ad adag,taasina nabigeena ayaa Eebe ku dhahay hadii aad ahaan laheed nabi Allow mid qalbigiisu adagyahay saxaabadaan aad ujeedo makula joogeen.

9-Waxaad noqotaa insaan oo dadka jecel xataa hadii aad isku qilaafsan tihiin waxyaalo waxaa jiro waxbadan aad ku hashiis tihiin waligaada cadawtinimo bani aadan ha u qaadin.

10- ugu dambeyn wada noolaanshaha macnahiis ma ahan inaad ku dhex milanto dadka kale adiga oo idil, ee sameyso xuduud aad dhaqankaada iyo diintaada aadan ku haafeen iyadoo ay jirto wada noolaansho.

Xuseen Maxamed Xasan (Xuseen Maadey)


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply