fb

Waa Maxay Meher, Siduu Ku Qabsoomaa Waajibkiisana Waa Maxay Wax Badan Ka Ogoow??!!!

Published: October 17, 2015, 11:23 pm

Mehrku waa Qaddar Xoolo ah, sida:- Lacag, Xoolo Nool, Dahab, Kitaab, iwm, oo ay Xaq u yeelaneyso Gabadha la Guursanaayo, Waxaana Shareecada Baneysay in la siiyo Gabadha marka Meherku uu Dhaco isla markaas ama Dib loo Dhigo ama Qaar la Bixiyo, qaar kalena dib laga siiyo Gabadha. Waa Xaq ilaahey u soo Gooyey. Ninka sina uga Baxsan maayo Meherka.

Hadduu Dhinto Waa in inta Dhaxalka la Qeybin la siiyaa Xaaska Meherkeeda haddii uusan bixin Ninka, Haddii kale Deyn Naftiisa u Qoolan ayey ku Noqon. Haddey Xaaska Dhimato waa inuu siiyaa Dadka Dhaxalkeeda leh Mehera. Laakiin haddey Cafiso waa Xaqeeda oo ay Cafisay. iyadoon lagu Qasbin. Xaaska Meherka oo Kaamil ah ayey ku Leedahay Ninka mar haddii uu la Seexdo, Laakiin haddii inta Meher kaliya uu Dhoco aan Galmo Dhicin Nus ayey ku leedahay Meherkeeda.

Dad badan ayaa jira oo Sahlada Meherka oo Xaaska aan Siinin, kuna Dhinta sidaasi iyadoo Xaaska aan la Weydiin inay Meherkeeda Cafisay iyo in kale, Balse waa lagu Ceebeyn Xaaska marka Odageyda uu Dhinto inay Dalbato Meherkeeda .

Waa Dhaqan Xun Arrintaas iyada ah. Shareecada ilaahey waa in la Xaqiijiyaa Timaaheeda, Haddii uu Odayga yiraahdo Meherkaada ayaan ku Siinayaa Islaan yahey. (Acuudu Billaah) ayey la soo Boodeysaa, maxaad iigu Saadineysaa ayey Leedahay. warkaas mar kale yaan kaa Maqlin. Haddee waa Xaqeeda oo la Siinaayo. Waa Runteed waa wax aan Caado aheyn Arrintaasi, Waxaana loo yaqaan Qaado Meherkaada Waqtiga Furiinka kaliya. Marka Ragoow Xaq hala Galbanina ee Arrintaan Ogaada.

Wabillaahi Towfiiq.

W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply