fb

Sheey Dunida Xasuusintiisu Ugu Dareen badan Oo Aan Iloownay Waa Keee??!!

Published: October 24, 2015, 5:20 pm

Asalamu Caleykum Warahmatullaahi Wabarakatuh .

Alloow nagadhig kuwii qabriga loo nuuriyo Allumma aamin.

Qabrigu waxaa ladhahaa waa godka midda gododka narta ama waa god kamidda gododka Jannadda Allah waxaan weydiisaneynaa in uu nooga gadhigo godkamidda gododka Jannadda waa hoyga aanaan hurayn, waa guriga waqti dheer aynu jiifi doono, hadaan sii hagaajino guri wanaagsan ayaan ugu tegeynaa, haddaan hilmaanana guri khariban ayuu noqonayaa Subhana’Allah.

Ma jiro shey la eego oo qabriga ka fajac badan, sida xadiisku sheegay , haddaad arki lahayd sawirkayga 3 maalmood markii qabriga lay jiifiyo ayaa laga sheegay adoon wanaagsan aragayga waad inkiri lahayd , indhahayga oo dhabanka kusoo dhacay dhacaanka , oo sanka labadiisa dul kasoo dareeray , jirkaygii xoogga badnaa oo matootacay , ciidii layga abuuray oo ayaama ka dib aan ku milmay , mindhaa meesha laygu aasay horaa quruuma kale loogu aasay oo ciidu cuntay , iyaddaa laynaga abuuray laynagu ceshey , oo mar kale laynaga soo bixin doonaa .

Markii laynoo yeero maxaa khalqi qubuuraha kasoo yaacay..waxaase liibaaney qofkii camal wanaagsan aduunka ku samaystay, oo Jannadda ay ruuxdiisu ku raaxaysaneyso Yaa Rabbii nagga dhig kuwii aad Jannaddaada ku arzaqdo noona fududee in aan ushaqaysano ,

Ameeeen Yaa Allah .


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply