fb

Sheeko Aad U Xanuun Kuguna Reebi Doonto Ilmo Mudana In Lagu Cibro Qaato…

Published: October 21, 2015, 12:00 am

Wiil iyo Gabar ayaa is Gursaday muddo ayeyna is qabeen ayagoon waxba isku dhalin. Shan sano kadib ayey Gabadhii Uur yeelatay, wuxuuna illaahey siiyay Wiil. Gabadha magaceeda waxaa la oran jiray Daariin.

Daariin Waxey ku Dhashay Camaliyad, kadib Ninkeedi wuxuu ku yiri:- waxaan kuu keenayaa Shaqaalee Guriga kaaga Shaqeysa, wuxuuna u keenay Islaan weyn laakiin Islaanti ayaa tiri:- Shaqada ma qaban karo waxaan booskeyga keenayaa Gabarteyda oo Dhalinyaro ah, weyna ka aqbaleen, oo wey u keentay.

Gabadhii Shaqada loo keenay waxey aheyd Gabar Qurxoon, waxeyna Shaqo ka bilowday Gurigii, muddo markay Guriga ka Shaqeyneysay ayey Ninkii iyo Gabadhi iska heleen oo wey is Fahmeen, ka dibna Hoosta ayaa leyska Guursaday, Daarin wey Qalan tahay Guriga qeybta kore ayay Jiiftaa,

Maalin walba Ninkeeda markuu Shaqada aadayo iyo markuu ka yimaado wuu soo mari jiray Xaaskisa, maalin buu iska baxay asagoon Bariidinin Xaaskiisa Daariin Gogoshii ayey ka soo Istaagtay ayadoo Raadineysa Seygeeda, ka dibna Qolkeeda Jiifka Albaabkiisa ayey Riixday, mise waxaaba Jiifta Gabadhii Shaqaalaha aheyd oo ku Labisan Dharkeedii. ka dib waaleys Dagaalay Daariina waxaa Dhaawac ka gaaray Caloosha Camaliyada lagu sameeyey, oo dhaawac xun ayaa gaaray, ka dibna halkaas ayey kuNaf weysay.

Galinkii Dambee ayaa Ninkii Shaqada ka yimid, wuxuuna koray Guriga qeybta kor, wuxuuna arkay Xaaskisii oo Meyd ah, Gabadhii ayuu ka Wareystay, waxeyna tiri:- ma Ogi wax ku dhacay Jaran jarada iska ilaali baan iri, weyna ku Madax Adeygtay Dhaqtar ayaa loogu yeeray, waxaana la yiri wey Dhimatay, waana la Aasay. Saacado ka dib waxaa guriga timid Daariin Hooyaded waxeyna tiri: Gabadheyda markey Dhimaneysay Guriga yaa Joogay, waxaa lagu yiri Gabadha Shaqaalada ah ayaa joogtay,

Islaanti waxey tiri illahey ayaa wax walba Og, weyna iska tagtay, waxeyna kaxeysatay Wiilki yaraa ay Gabadheeda ka Dhimatay, muddo ka dib Gabdhii Shaqaalaha aheyd waxey u dhashay 9wiil. wax walbana wey iloowday laakiin Rabbi ayaan waxba iloobin, Maalin ayey Safar Aadeen ayada iyo Wiilasheeda iyo Ninkeedi kadib gaarigii ayaa Shil la galay 8wiil iyo Aabohood ayaa ku Naf waayay, Wiilkii kalena Dhaawac ayaa gaaray, iyadiina Dhabarka ayaa Dhaawac culus ka gaaray.

Walaalayaal, waa sidaas Qofkii wax Dulmiya Ciribxumidaas ayaa u Dambeyneeso, mar kasta ogoow inuu Ilaaheey ku Arko, Dulmi hadaad sameysana inuusan ilaaheey Raali kaaga noqon doonin, oo mar un lagaa Abaal marin doono.

(ILAAHOOW WIXII DULMI WADO, UMMADA KA QABO).
Wabillaahi Towfiiq.
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply