fb

Sheekh Saalix Al-Maghaamisi Wuxuu Ku Siinayaa Sadax Dardaaran Oo Noloshaada Qiimo Ku Lahaanayo.

Published: October 21, 2015, 8:00 pm

Sheekh Saalix Al-Maghaamisi, wuxuu yiri:-

Waxaan ku siinayaa Saddex Dardaaran, waxaan Alle weydiisanayaa, inuu Anaga & Adigaba Badbaado inooga Dhigo:

1- Haddey Nooshahay Hooyadaa, ku Dadaal in aad Laabteeda Farxad Gelisid, Allaah baan ku Dhaarane, waa waxa ugu weyn ee Allaah loogu Dhowaado, Asbaabta ugu weyn ee Waafajitana, waa Labada Waalid oo laga Farxiyo, gaar ahaan Hooyada.

2- Yuusan ku Dhaafin, Maalintaada Adigoon Aragaaga ku Ged-gedinin, Musxafka (Kitaabka Quraanka), hal Aayaba aad akhriside, waayo wuxuu nolasha ku Sameeyaa (Qur’aanku), Saameyn Cajiib ah.

3- Si aad Dhab Alle uga Xishootid, yeysan kuu Beryin Maalinta kale Adigoon u Tukan Alle Saddex Rakacood, oo iskaaga aad u Tukatay (Sunno ah), si ay kuugu Noqoto wax meel kuu Yaala, Adduunka, Qabriga Dhexdiisa & marka aad Allaah la kulmeysidba.

ILAAHOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR, YAA RABBI.
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply