fb

Shaqada Uu Qabto Jirka Bini’aadamka Iyo Calaamadaha Tatoo Qalinkii Abdi Fataah “Ceelaabe”.

Published: October 24, 2015, 6:10 pm

Dubka Sare ee Jidhka aadamiga ayaa ah mid Dhab ahaantii Mucjiso badani ku Sugan tahay. Maqaarka ama Skin Waxa laga dareemaa Kuleylka iyo Qabowga Hadba midka Cimiladu ku sugan tahay.Waa Dahaadh Xubnaha Jidhka u ah Badbaado kana ilaaliya waxyaabaha kaga imanaya Dibada.Wax kulul haddii lagugu shubo ama wax Qabow halka aad ka dareemeysaa waa oogada sare ee Jidhkaaga oo ah Maqaarka.

Sida jidhka intiisa kaleba u Xanuunsadaan Ayaa Maqaarkuna dadka u xanuuna ama cuduro ugu dhacaan kala duwan oo u baahan in la daweeyo kuwaasi oo Qofka Dhiigiisana raaca.Dhiiga ka sakowna waxa qofka ku dhaca Baras diirka sare ka rogta ama oogada qofka.

Koobka Shaaha ah halka aad ka daremeyso Marka aad qaadeyso waa Gacantaada oo Dhulka dhigeysa marka uu Kuleyl Yahay.Kuleylkii Gacantu ay xejin kari weydey Ayaad carabka u direysaa oo isaguna marka uu Heyn kari waayo Caloosha u gudbinaaya.

Dilka iyo Ciqaabta inta badan waxa laga dareema Maqaarka sare.Waxaana inta badan ku sugan Quraanka in Dadka cadaabta lagu rido Markasta Jidh cusub ama Maqaar iyo Dub cusub loo sameyn doono si ay u dareemaan Xanuunka iyo Dhibta Kuleylka Naarta iyo Cadaabta.

Waxa Maqaarkeena Hoosta kaga Jira Xidido,Dareemayaal,Dhiig,Lafo,Qanjidho,Halbawlayaal isku dhafan oo hoos ugu Jira gudaha ka hooseysa Dubkaaga ama maqaarka dusha ee Jidhkaaga.Maqaarkaaga adag Ayaa ka difaaca wax badan in ay u gudbaan Xubnaha Jidhka ee Hoose.

Maalin kasta waxyaabo kugu dhaca Ayaan dhaafin inta sare ee Jidhkaaga,Maqaarka ayaad iska xoqdaa,Nabaro yar yar oo aan xaga hoose u gudbin Ayaa ku dhaca.Maqaarka Ayaad ka gubataa oo mararka qaar  saameyn ku Yeesha xubnaha Hoose ee Jidhka.

Mararka qaarna Maqaarka haddii Xabadi ka dhex baxdo ama Toorey waxa ay Halis geliyaan Xubnihii hoose ee Jidhka lana ilaalinaayey. Keliya intaasi oo qudhi kama Gudbaan waxa kale oo Jirta in Irbad Daawo Jidhkaaga Gudaha loogu Duro.

Waxaad Haddaba is weydiisaa iyada oo Jidhkaaga aad ku sameyso Farshaxan,ama sawiro sida Qof,Madax,Shimbir,Ubax ama wax kale oo adiga ku Cajabiyey.Maqaarka Dad badan oo Heesaa ah , Kuwo Madadaalada sida Ciyaaraha kala duwan ku Jira gaar ahaan Kubada cagta, ama Dad caan ah oo leh Lacag Ayaa marka Jidhkooda lagu tuso ama ay dabaal degayaan waxa soo baxa in Dhabarka,

Laabta,Gacmaha iyo lugahaba ay ku leeyihiin Muqaalo Sawiro si adag Jidhka loogu Dhejiyey oo aan ka go,eynin.Waa waxa loo Yaqaano Tattoo.Sideed u aragtaa in Ciyaar yahan dabaal deg sameynayaa marka uu garanka la baxo aad aragto in aan Jidhkiisa hooseba Sawir ka buuxo.

Sidee ayaa qofka sawiradasi loogu dhejin doonaa,Qiime intee leeg ayey ku kaceysaa,Dhaawac intee leeg ayey Jidhkiisa u geysaneysaa,Dhinaca diinta islaamka haddii aynu ka eegno ma la ogolyahay in dadka muslimiinta ahi waxaasi kaga deydaan gaalada ama ku kacaan.Waxa la adeegsanayaa Qalabo kala duwan oo aad u xanuun badan.

Kuwaasi oo xubnaha jidhka xagiisa hoose ama unugyada dhiiga qaarkood u dhintaan ama dhaawac ka soo gaadho.dhiiga oo xanuun ku dhaco ama Infection qaada ayaana ugu daran.Diidmo badan oo dhamaan Xubnaha iyo Qeybaha kala duwan ee Jidhku sameeyaan ayaa jirta marka Jidhka lagula kaco Qanjiidho,ama ul lala  dhaco.

Dadka Tattoo leh waxa ka mamnuuc ah in dhiig ay shubaan ama laga shubto iyada oo la ogyahay in dhigaasi xanuuno kaga dhacey markii Jidhka lagu sawiraayay ,Chemicals la isticmaaley.12 Bilood ama 6 Bilood wax dhiig ah lagama shubi karo Qof lagu sawirey Tattoo ama lagu dhejiyeyba.

Garabka,Gacmaha,Dhabarka,Caloosha iyo Lugaha Ayey dad ka buuxsadeen Sawiro xitaa Quruxdii ka qaadey oo foolxumo ku keenay intii ay islahayeen Qurux iyo wax dadka ka yaabiya sameyso,Laakiin waxa ay ku guuleysteen in lagaga deydo oo dad badana isku sawiraan.Rag ayaan Buuga lagu qoro Dhacdooyinka Mucjisada Aduunka ku galay diiwaankaasi iyaga oo dhamaan Jidhkooda ka dhigay Mid sawiran ama Tattoo leh.

13,000 oo qof oo loo sameeyey Tattoo ayaa laga helay cudurka Joonis cadka ,Kuwo kale Alergic iyo Cuncun ayey Halis ugu Jiraan,Mararka qaarna waxaaba la sheegaa in cudurka Hiv halis ay ugu Jiraan haddii aan la nadiifin Irbadaha iyo qalabka Qofka Jidhkiisa lagu dhibaayo si sawirka loogu Dhejiyo oo laga yaabo in qof hore loogu shaqeeyey.44 Case in ka badan waxa ku dhacey Xanuuno ay ka mid yihiin in aan Jidhkoodiiba difaacu ka tago oo aan xitaa dawooyinka qaarkood waxba u tarin.

Waxaana wakhtigan la Xakameeyey  Xarumaha ku shaqeysta sameynta sawirada Tattoo oo Ruqsada Shaqada lagu ilaaliyo loogu digo in laga qaadi karo.Wadamada USA iyo Uk ayaan ka mid ah meelaha inta badan lagu sameeyo.Haddii aad Akhrido Qoraalada laga Diyaariyey Waxan loo Yaqaano tattoo waxaad dhinaca kale ogaaneysaa Noocyada sumaha ama Chemicals qofka lagu Isticmaalo si sawiradaasi loogu Dhejiyo.

Midabada Nashqadaha lagu sameeyo 40% marka qofka loo sameynaayo Tattoo maaha kuwo loo ogolaadey in lagu dari karo waxyaabaha dadku is mariyo loona isticmaalo Maqaarka ama  Wejiga.

Waxa aynu ku noolnahay casri wax kastaa is badaleen,Qofka dharkiisii, Socodkiisii, Xiirashadii iwm meelo badan.Waxa kale oo soo Kordhey in dad badani ay Jidhkoodii badaleen oo Midab cusub u sameeyeen,kuwo kale ay Qaliino ku hagaajiyen Sankooda ama wajigooda,

Halka dad badan oo kalena ay Sawiro aad u xanuun badan dhinaca kalena qaali ah ku Dhejiyeen Jidhkooda jilicda san.Su,aasha is weydiinta leh ayaa haddaba ah in Qofka lagu sawiro sawir tattoo ah immisa saacadood ayey qaadaneysaa xanuun badan,Dhaqaale intee leeg ayey u baahan tahay.

Sidoo kalena qofku haddii uu damco in uu iska masaxo ama baabiiyo mar labaad ma laga tirtiri karaa oo Jid iyo daaweyn intee leeg ayey u baahan tahay mar labaad in qofka jidhkiisa sidii hore lagu soo Celiyo.

Ma aragtayse qof Dhamaan Jidhkiisa oo dhan madax ilaa Mijo ku sawirey oo Wejigu xitaa aanu u banaaneyn.Maxaad daawaneysaa ciyaaryahan Feedh,Musaarico,Ciyaar kubadeed ama Heesaa aanad Jidhkiisii caadiga ahaaba arkeynin.Kuwa ku Hamiyaaya ayaase ka daran in ay Sameystaan.

Tattoo:A picture or design that is market permanently on a persons skin by making small holes in the skin with a needle and filling them with coloured ink.

Tattoo ist : a person who draws tattoos on peoples skin as a job.

W/Q Ceelaabe


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply