fb

Qormo U Qaas Ah Dumarka Xaasaska Ah Ee Ku Dhaqmo Arimaha Noocaan Oo Kale Ah..

Published: October 21, 2015, 11:50 am

Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakatuhu.

Marwooyin yahaw hadan lagu arkin sidad sayigaada ula dhaqmeyso Eebe wa idin arkaye ee Alle ka baqa!!!

Illaahay aya mahaad odhaami u sugnaday abuurey khalqiga kiisa wanaagsan iyo kiisa xun inagu manaystay islaamnimada nuurka iyo ileyska ah nabad gaalyo naxarisi korkisa ha ahaato rasuulkeni muhammed xabiibkeni macalinkeeni barbariyaheeni iyo ehelkisa asxaabtisi dhamaantood.

Intaas ka dhib waxa igu khaliifay inaan qalin iyo warqad qaado wax yaalo badan oo aan la yaabay dumarkena somaliyeed ay ku dhaqmaan aan ku arkey walaahi waan isku xishooday oo aan hadli kari wayeey anigo hadalka intasi dhafinayniin oo qofka sharaftisa dhowraya asturayana waxan is dhahay wixi lagu sheegayey ragga somaliyeed khalaad ayey aheyde ileen masibaduu iyo dhibkubaa wuxu ka socda dhanka dumarka wan isku xishoday.

Runti markan arkey dumarka kaar siday raggoda ula dhaqmayaan in kasto ay jiran dumar wanaagsan oo ninkega xaqdhowr iyo xitiran kula dhaqanto wixi illaahay fareyna gudanaysaa oo xaqisa sineysa, aya waxan in badan arka ragg badan oo waano iyo canaan iskugu jirta uso gudbiya kobciye waxan is odhan jirey raggani miyanay xishooniin markey qoraalo ka qorayan gabadhaha waxan see xaqiiqsaday wax yaalaha laga qoro dumarka inay yihiin wax jira oo xaqiiqo ah.

Walaashayti adigon iga xumaniin waxan jeclahay dhowr arimood ku sheego haday kula khaldanado adiga garan wixi ku wanaagsan haday kula wanaag sanaadana adigay ku anfacaysa ee rac qodobkeygan waxanaan rajayni inu sayigaagu kugu farxi doono raalina Illaahay kaga noqon doono insha allaahu tacalaah.

zowj saalixa nasiib badaana adoonta heeshay ayaan darana haday see garaan waydo wanaaga lo qaabto iyo sida xushmada ku jirta ee u ula dhaqmo iyo sidu ugu dhago nuglaan yahay!!!

Walaashayeey sidee damir kagu ku siiya sayigaada ku wanaagsan inaad si hanjabaad ah wax ugu dirato hadu wax ku dirtana aad u liitada hadalkisa si canjaruuf ahna ugu eegta sidu damir kagu ku siiya sayi ku dhago nugul adiga iyo caruurtada inaad ku qayliso oo hadalkisa dhibsado hadi hal erey oo khaladan dhahana aad uga xanaqda kuna qaylisa miyadan ogeyn ukhtanah in dumar qayrka ahi hadh iyo habeen Eebe swt kor ahaye ka baryan sayiigaado kale inu siiyo adiga nasiibka ficaan illaahay ku siiyeeyna aad u kibreysa .

Miyadan ogeyn in naar aad ku socodo jiidkisana aad heyso hada hadadan sidan wax ka badalin sayiigaada ku wanaagsana adan rali galin wanaagu ku sameeyana aad ugu duceyso in abaalkisa jano illaahay uga dhigo adigana aad u noqodo zowjaad u ku indho doogtaaso waxan illaahay kaga baryi cafis adiga iyo marwoyinka sayigooda u dhibatada kala kulmo insha allaah.

Oogow marwo yahay hadanu luugahisa isku taagi karin sayigada ku wanaagsan Alle wax kuma aheyn inu awood siiyo xanti cafimad etc (iwm).

Waxa wanaagsan gabadhada marwada ah ee muslimaadka ah inaay marka hore ogaado xaalada sayiigeedu ku nool yahay noqodana mid garabkisa taagan mar xalaadahiisana ka war heysa sidu illaahay u garteyna aysan ku nicin ogaadana daciifnimadisa iyo culayskan korkisa saran inu Alle kor ahaye iyada ka badbadiyeey sagiyeedana lagu imtaxanayo ogow ukhtanah wixi sayigaada lagu imtaxaanayo inay tahay wax adigana lagugu imtaxanayo ee noqo mid garabkisa is taagta ha ula dhaqmin sidi qof awood leh ee ula dhaqan sidu xalaadihiisu koolba ay tahaay Allena uga bari wanaag iyo inu culayska ka kor qaado.

Noqo mid khartideeda iyo dumar nimaateeda u mujisa sayigeeda culayska iyo murugada sarana iloowsiisa sidaad caruurtisa u xananayso isagaana inaad u xanaanaysa ayalaga raba koolba kini daciifa kan kale ha dageero.

sayegaadu wax xumaan inu ku dhaaco ka ilaali indhahiisa iyo dhagahisa!!!

Marwoo yahaay sow ma ogiid in ragba sii ay u dhaqmaan kaar aya marwaadisa xaqiisa siin waydo gabar kale guursada ama sino ku dhaca taasina dambigeeda adiga leh waayo isago haysta xalaal ayaad isku diiday dambigeedana wad qabta ogowna gabadh ninkega isku diida inay malaigtu naclado ila inta waagu ka baryayi naclati rabbigana wa kugu so degta Alle ka magaan galnaye.

Marwoyinka kaar aad ula yaaba iyaadoo xaqisi u diidaysa ayey ku edeysa inu xumeyeey qayanay naag kale guursaday sababaha loola guursaday iyo inay ka gaabisay wajibaadki illaahay sarey ma ooga ee iyada isla qumaan oo isla toosan.

Marwoo yaahay iska ilaali inaad sayigaada ka naabsi gaasho nabsigu wa dhaxaal hadi aanu adiga kugu dhicin waxad u qaydinaysa kuwaad koriineyso ama waxa ka goyni mid kale ee ogow!!!

Waxa jirto ayaad illaahay kor ahaaye ku dhahayo ee Alle swt leeyahay ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النّ…َعِيمِ twaxaana la idin warsan Maalintaas Nicmadiit.

Hadaba marwo yahay waxad ogaada sayi ku dhago nugul oo ku wanaagsna ku naxarisanaya ku dabacsan inu yahay nicmo u ku siiyey Eebe kor ahaaye lagana rabo inud ku mahdinacdo Eebaha swt sayigaadana u wanaagsanado sidu kugu wanaagsan yahayna u laba jibarto sidu kugu kolkooliyana aad ugu koolkooliso sidu darxumada kaga dhowro oo u kugu hiiliyaana aad adiguna ugu hiiliso darxumadana uga dhowrto xaqdhowr iyo xushmad qadarina u muuji hana ku nicin culayska saran Alle kor ahaaye waxba kuma aha inu ka kor qaado ee ahoow mid raali ku ah qadarta rabbana oo shukrintaduha baado noqo marwo wanaag walba ku sifowda.

Bal ila firi nabsigu inu cidlo ku dhiigo qisadani wa dhab oo aniga arkey ninkay ku dhacday ee Waxa jirtay nin gabadh guursaday qadarti rabbi u timiid way xanuunsaday ninku maba xumayn ee ehelkisa dad xun aha miskinti dhibato lo geystey iyado qof daciifa ah ehelkoga ka waday ninki hadana somalia u kaso gursaday waxa dhacday cudurki gabadhti hore ku dhacay in gabadhti dhanbena ku dhaco subxana allah oo ehelkisa isku marto ila caruurtisi ka diisho iyadina wuu furey isagiina wuxu noqday single father caruurtisi isaga korsada waasa ti nabsiga aad ka gasho qof maskiin ah in adigana laga jaro.

Lamanahaaga marku dacifo inaad Alle ka baqado oo garaabkisa is taago waajib ah waxa dhici karta in lagugu tijabinayo samir kaga iyo imaan kagu intu le’eeg yahay,labaada qof ee is qaba waxa midba ka kale ka saran inu daryeelo xaqisana anu ku tumaanin dulmina Eeebe kor ahaaye dhexdoda jeceyl iyo naxaris ayu yeeley marka in la isku naxaristo lamanahaga dhib walba laaso gudboonado aad is garab taagto wa kugu wajiib laabada qof ee is qaaba waba wajibaad illahay sareey ee qofka islaamka ah ee dhibadaysan aya lagugu wajiibey inaad cawiso marka Eebee ayaanu dambi dhaaf iyo cafis waydisanayna adoomo daciifa ayeeynu nahay runtiye.

Intasaan qoralkayga ku so gabagabeyey waxanaan rajayni inu marwoyin badan anfaaci doono insha allaahu wixi khalaado eed aragtana waxay ka timid nafteyda iyo shaytan waxan saxayna illahay i wafajiyey.

W:Q Idil zuw axmed 

Wabilaaahi towfiiq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply