fb

Qormo Cajiib Ah Oo U Gaar Ah Dumarka Sirta Dumarki Hore ee Saalixiinta Ahaa!!..

Published: October 21, 2015, 12:00 am

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuhu.

Illaahay aya mahaad odhaami u sugnaday abuurey khalqiga kiisa wanaagsan iyo kiisa xun inagu manaystay islaamnimada nuurka iyo ileyska ah nabad gaalyo naxarisi korkisa ha ahaato rasuulkeni muhammed xabiibkeni macalinkeeni barbariyaheeni iyo ehelkisa asxaabtisi dhamaantood.

Gabadhaaha guurdoonka iyo kuwa garoobka gabadh ugub ah iyo garooba uma kala soocna guurka guurkuna sidisaaba wa cibaado Eebe kor ahaaye swt logu dhawanayo shaytan kaana wa u cadow iyo gooblaan .

Waxaan rajayni inu wanaadaydaasi noqon doono mid aanfaci doona kuna guulaysan doonnaan hadu Alle kor ahaaye ka raali noqdo walaashaytiyeey i dhageeyso inyar qoys iyo reer la dhisto wax sahlaan oo la dhayaalsan karo ma aha ee waxaay u bahaan tahay tababaar xoogan iyo kuso talo geeliid dacaad iyo Eebe swt ka cabsi hadaan jirin dacaad iyo Alle ka cabdi midnaa qoys kaagu wuxu qaatar u yahay inu hore kaaga burburo waxaadna kuso birteey liistiga gabadhaha garoobta marka intadaan guurka ku degdeegin daariiqisa uso maar adigo dacaad ah Eebe kor ahaye swt ka baqanaya.

Waxad ukhtanaah ogaada marka gurigaaga cusud so gasho waxaad kaso gaali kaadin (albaab) kaliya lakin markaad guudaha uso guduubto 2 kaadin (albaab) oo adan arkeyniin ayaa guriga kugu dheex yaalaa labaadas kaadin( albaab) wad kala garaneeysa waxaay yihiin maarka adigan ku daayeey oo garaan tii ku roon aduun iyo akhiradaada maa fahmeysa albaabadan ka hadlaayo ukhtanaah?Yanaan maskaxdaada daalin ee wa laabada albaab ee kala ah Janah & Naar…

Eebee kor ahaaye swt wuxuu baneeyey guurka wuxuuna ka dhiigay mid lagu xasiloo wuxuuna dheex dooda dhiigay naag&nin jeceyl iyo raxmaad wuxuu Eebe kor ahaaye ayadda ku yiri«´

ومن ا ياته ان خلق لكم من ا نفسكم ازواحا لتسكنوا اليها و جعل بينكم مودة و ر حمة ».Wuxu dheexdoda dhiigay jeceyl iyo raxmaad guurkuuna sidiisaba waa cibaaddo iyo siiday adoomahiisu Eebadod ugu dhawaadan gabadhaaha muslimaadka markey guursadan diintooda ayeey kala badh dhamaystiireen Eebaana wa ka raali noqday waxaana wanaagsan in gabadhtu kuso talo gaasho sidaay gurigeega u dhaqan laheeyd unaa noqon laheyd marwoo raaliyo ah raaliyana janaada u balaan ah insha allaah.

GUURKA Wanaagsan Wa Nasiib ee Ku Naso Ukhtanaah!!!

Ukhtanaah walaashayti islameed hadaad heesho zowj saalixa oo kuu wanaagsan wa hadyeed Eebe swt kor ahaaye ku siyeey ka faaidayso kuuna shukri Eebaha swt adigo u noqonaaya zowjaad wanaagsan oo uu ku nasto kuna iloobo dhibka murugada aduunka kuu hareereysan iyo daalka shaqaadiisa unaa dhago nugloow dacaad u ahow ogow ukhtanaah waxa gurigaaga kugu dheex yaala sidan kor kugu so sheegey 2 iriid kaadin ama albaab kolba sidaad u taqaano tii aad raacina ee aduun iyo akhiradaada u roon adiga garaan.

Haweenki salafka ee Eebe swt aagtiisa ku weyna miyaad ka miid noqon karta ukhtanaah!!

Ukhtanaah sida arcikel kor ku xusay dumarki salafka aha siday diinta ugu dhaganayeen Eebe swt ugu cabsan jireen markey salaadda ku jiraan aad moddo diir la taagay ama udub meel laagu qodoomiyeey cabsi daarted ay ka cabsan jireen Eebaheed waxay ahayeen dumar fahmey kitabka iyo sunaha nabiga salalaahu calayhi wasalaam sidu ahaana raacay waxaay ahayeen haweeyn fahmey xaquuqul zowjaan kuu isku leeyihin waxay ahayeen dumar ku dadaalay sidaay sayigooda furaha janada uga furan lahayeen waxay ahayeen haweeyn janaada u tartaami jireey diintaana fahmey .

Eebaha iga sareya ee nafteydu gacantisa ku jirtaan ku dhaaranaaya inaan dumarkaa qaarnigaan jiraa gadhayniiin dumarki salafka ahaa haday jirtana wa dhiif iyo faro ku diriis ninki heelayna gabadhtasi wa mid nasib iyo ayaan badan raggu waxaay ku hadaaqan amaku mahmahaan khalmaada ah (raaliyo ninki heela ragganimo ku faana) wa run oo ninki raaliyo heela aduunka wax ka maqani ma jirto wa xural caynti akhiro oo u aduun ku haysto raaliyana sidan kor kuso sheegey janaada u balan ah. 

Dooraashada Guurka Wanaagsan!!

Ukhtanaah doorashaada adigaay gacaantada ku jirta wixi Eebe kor ahaaye ku qadaaro taasi wa gaar lakin waxa laa ina amrey inaan iska eegno ninkaa aynu guursan rabno sidu rasulkena salalaahu calayhi wasalaam laga soo xiigtey,hadad tahay gabar asluub wanaagsan diinteeda iyo dhaqankeega heysada guurkeega ma dhayaalsado doorashaadeeduna ma noqdo mid lagu khasaarey haday noqodana doorashaadi ay is dhahday wa ku wanaagsanaan u noqon waaydo taasi ma aha inu dadaalkagi ku xirgaalin kanaa shalaayso wayo wixi Eebe qaadaro ayun ba dhacaya wa in gabarta muslimaadka ah ee calaf ku ka xumaado aan niyada iska diliin qalbi jabna isku ridin ee ay shugrinta baadiso Eebe kor ahaaye swt ayey raali galisa shukrinda badan adoonkisa dhaha alxamdulilaah Eebe sidu dhaho ahow ayey ahaani wanaa ku rali noqday qadarta eebe wad raali galisay Eebaaha samir kaga iyo shukrindaada badaannaa waxa dhici karta guurkaaga dhanbe inaad ku guuleysado oo nabsi maal kaga laagaga dhigo zowj wanaagsan oo saalixa ah.

Waxa see ukhtanaah laaga raba dadaal iyo inaad iska eegto wilkaad la wadaageyso mustaqbal kaaga iska eeg diintisa dhaqankisa iyo dabeecadisa waxa reer ku dhisma diin iyo dabeecaada wanaagsan wilka aad ka heesho labaadasi wad ku guuleeysaday waxaanu noqon qoyskagu mid farxad iyo nabad ku wara abiidkiin hadu Eebe ka raali noqdo insha allaah.

Sirta Dumaarki Hore ee Saalixiinta Aha!!

Ukhtanaah guurku wa naasib hadu gacaantada haada kugu jiro marka hore labo rakco oo aad Eebahaga ugu shugriso tuko adigo kushuucsan indha haaguna ilmaaynayan waayo wa nasiib iyo hadyaad xaga Eebaha kor ahaye swt kaga timiid ee noqo mid zowjad salixaad oo sayigeedu ka raali noqdo sayigaada oo ka raali noqdayna Eebanaa wa ka raali noqda tasina wa liibaanti aduun iyo akhiro dhib la aana janadadad ku galaaysa allahu akbar.Aan kusheego sirta gabadhaha saalixiinta ee ka faaidayso.

Maa Isuu Diyaarisay Inaad noqodo Marwoo saalixaada Iyo Hooyo Wanaagsan hadaba Rac Qudoobkan Hoos Ku xussen!!

1-Waa inaay ahaada haweeny akhlaaq iyo dabci wanaagsan ku sifowda,hadal wanaagsan dhaqaan keeguna yahay mid wanaagsan oo toosaan.

2 -Waa inaay noqooda hooyo wanaagsan oo caruurteeda diin iyo akhlaaq wanaagsan ku tarbiyeeysa.

3-Haweeynka subaan ee saalixaadka hadu sayigeedu ka dhoofo kana maqnado sanaad ama wax ka badaan ma qayaando jidkeega waa u xafiida ma sineysaado nin aan ninkeega aheyn ma arko maalkisa iyo jidh keega caruurtisa way u xifdiisa.

4-Waxaay ilaalisa salaadda shaanteeda waqti quranka iyo duruska barashadisa ayeey ku mashquul tahay,waxay ilaalisa carab keega ma xamado dadka ma dhibto dariska nago xunxun ma racdo balan fur ma taqaano waxay noqoda haweyn subaan oo salixaad ah dacwaad Eebe ka cabsi ayeey u saxiib tahay.

5-Sayigeeda hadu ugu yeedho gogooshisa ma diido maana kahaado haday mufo iyaado kor fadhiido u yeedho way u degdeegta sayigeeda iyaado salaanta islaamka ku salaamaysa dholo cadayn iyo waaji furnaan tuusaysaa.

6-Haweenka subaan ee saalixadka wanaagsan abaalku u daro sayigeeda way ugu mahdiisa barida wanaagiisa faraha badan Eebe uga barida dambi dhaf iyo janatu fardowsa inu ku abaal mariyo.

7-Haweenka subaan ee saalixaadka hadu ninkeegu ku dhaaho ma rabo inaad bahdo amarkisa kama dhago adeegto mana cananado maana ku ciqaabto cuno iyo gogaashiisa ee wa tii marwaalba hadalkisa adeecda raalina uga noqoda wixu u faro wixi u ka rebana ka haadha.

8-Waa mid gurigeegu hadh iyo habeen nuuraya ugdoon caruurteeduna dayaac iyo uskaag ka muuqaan iyada lafteduna isku udgooneysa marku sayigeedu so gaalo guriga salaanta islaamka ku salaanto dholo cadaayn iyo waaji furnaan ku qaabisha caruurtisana barto marku arkana ku farx wanaag keega iyo ficilaada wanaagsan ay ku dhaqmeyso gacaliyahisu.

9-Haweenta subaan waxaay barata sunaha nabiga salalaahi calayhi wasalaam gar ahaan kitaabka ka hadlaya guurka waxaay ku dadaasha baarashadiisa maqaanka iyo meeshu sayigeedu ka joogo.

10-Haweenka subaan ee saalixaadka waxay caruurta ku tarbiyeeysaa edeeb akhlaaq suuban iyo in abahood marku guriga imaado dalaan yahay iyagana uso shaqeyeey qaylada iyo buuqa ka ilaaliyaan.

11-Haweenka subaan ee saalixaadka waxay sayigeeda u diyarisa cunoyinka heerka sare oo aad u macaan maalinba noc ay u kaarisa isago diyaar ah miiska ugu imaada.

12-Haweenka subaan ee saalixaadka waxay raali sii buuxda khal iyo laab uga noqoda qadarta Eebe swt wixii sayigeeda laso gudboonaado hadu murugeeysan yahay hadu cuslaaday hadu xanuun(jiro)soo wajahaan garaabkisa ayey is taagta.

13-Haweenka subaan ee saalixaadka waa mid raali ku ah qadarta Eebe kor ahaaye swt hadu faqri noqdo waa mid qirsaan inuu Eebe faqriga iyo hantibaa isagu bixiyo kuna mahdisa,iyaado racaysa ayaada dhahaysa(Haaday sabool yihiin Eeba deeqdiisa ku hodmiin.

Intanaan hadal kayga kuso gabagabeyeey.Wixi aan saxaay waxaa i wafaajiyeey Eebahay waxan qaldayna waxay ka ahaaday nafteyda iyo shaytaan.

W:Q/Idil zuw cali.

Wabilaahi Towfiiq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

2 Comments : Qormo Cajiib Ah Oo U Gaar Ah Dumarka Sirta Dumarki Hore ee Saalixiinta Ahaa!!..

  1. Anisa says:

    Masha allah walasheey wad mahadsan tahay allah kubarakeyo anagana kuwa waanada anfacdo allaha nagadhigo

  2. fartuun cali says:

    masha allah qaali ajar iyo xasanad aan la soo kobi karin rabi swt haka siiyo alah naga dhigo kuwii kun dhaqma inshaallah

Leave a Reply