fb

Qormo Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Shimbirka Tukaha ‘TUKAHA WAA MACALIMKA BINI’AADAMKA’.

Published: October 24, 2015, 12:00 am

Sida aan wada Ogsoonnahay Tukuhu wuxuu ka mid yahay Xayawaanada Baalleyda ah ee duula oo uu Ilaahay Abuuray, waana Shimbir inta badan caan ku ah Luuqad waliba iyo Dal kasta.

Shimbirkani waa Shimbira uu Ilaahey u doortay inuu noqdo Macallimka Dadka, si uu u Baro Habka ugu Wanaagsan ee Bini’aadamigu u Asturi karo Meydkiisa.

Quraanka uu Nebi Muxammad CSW, inookeenay ayaa inoo sheegay in Sunnada Meyd Asturka uu Asalkii hore ina baray Tukaha, taasoo ka Dhigneyd inuu Ilaahay ina Baraayay markuu inooga Qisoonayay Xaadisadaasi in Shimbirkani yahay Shimbir Macallim ah oo Dadka wax aad Muhiim ugu ah Baray.

Haddii Quraanku aanu jiri lahayn, Dadyoowga kale ee aanan Islaamka ahayn ayaan Jahligaasi la Wadaagi laheyn, maadaama aanay jirin Diin kale oo Xustay Sha’niga Shimbirkaasi marka laga Reebo ta Islaamka.

Sida aynu Ogsoonnahay Jariimadii ugu Horreysay ee Dil Bini’aadam ee Koonkani ka dhaca, wuxuu ahaa Dilkii loo geystay Haabiil (Wiilkii Nabi Aadam), ee uu u geystay Walaalkiis Qaabiil ina Aadam.

Qisadaasi waa Caan, Rabbi ayaana Quraankiisa inooga Qisooday, Culimadana si Wanaagsan ayey inoogu Bayaaniyeen Macaanida Aayadahaasi ka hadlaya Dilkii Qaabiil uu Diley walaalkiis Haabiil.

Sababta Dilkaasina wuxuu ahaa Sheydaan oo markaasi Cadow ku ahaa Aadam iyo Durriyadiisa, maadaama uu Aadam sabab u ahaa in Ibliis la Fogeeya, Lacnadda Allana Dushiisa la saaro.
Dilka markuu dhacay ka dib, oo Qaabiil uu Diley walaalkiis Haabiil, ayaa Ilaahay u soo saaray Tuke Aasaya Meydka Tuke kale, markaasuu Qaabiil inta Shallaayay yiri:- Hoogayeey. miyaan ka Caajisay inaan u Astura Meydka Walaalkey sida uu Tukahaasi u Asturaayo Meydka Walaalkiis?.

Allaah wuxuu Kitaabkiisa ku yiri:-
Uga Waran Warkii Labadii Wiil ee Aadam si Dhab ah, markay Saddaqeysteen Saddaqa, oo laga Aqbalay midkood (Haabiil), kii kalena (Qaabiil) aanan laga Aqbalin, oo uu yiri (Qaabil) waan ku Dili, oo kii kalena (Haabiil) ugu jawaabay: wuxuunbuu Alle ka Aqbalaa kuwa Dhowrsada. Haddaad u soo Fidiso Gacantaada Xaggeyga si aad ii Disho, Anigu ma u soo Fidinaayo Gacanteyda Xaggaaga si aan kuu Dilo, maxaa yeelay waxaan ka Cabsanaa Ilaahey, ee Rabbiga Caalamiinta. Oo waxaan anigu doonayaa inaad la noqoto Dembigeyga iyo Kaaga, oo aad noqoto Naarta Ehelkeeda, taasina waa Abaal marinta Daalimiinta. Markaasay u Qurxisay Naftiisa (Qaabiil) inuu Dilo Walaalkiis (Haabiil), wuuna Diley, wuxuuna ka mid noqday kuwa Khasaaray. Wuxuu Alle Tusiyey (Qaabiil) Tuke Qodaaya Dhulka si uu u Tusiyo siduu u Asturo Meydka Walaalkiis, wuxuuna yiri Hoogayeey miyaan ka Caajisay inaan noqdo sida Tukahaan oo kale, oo aan Asturo Meydka Walaalkeey, wuxuuna noqday mid Shallaaya. (Suurat Al Maa’idah- Aayadda 27-31).

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply