fb

Qiso Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato Waxa Ka Sheekeyay Wiilki Ay Ku Dhacday.

Published: October 20, 2015, 11:00 pm

Qisadaani waxaa ka Sheekeeyey Wiil, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay sidatan:-
Waxaan ku jiray Waqtigii Qaan gaarka ama Dhalinyarnimada waxaan aad u Jeclaan jirat Banaanka, waxaanse Necbanaan jiray inaan joogo Gurigaa, Balanba balan ayay isku kay dhiibi jirtay waxaan ku soo laaban jiray Guriga Waqti danbe (Habeenkii Gelinka dambe), Hooyaday aad ayey iigu Qaylin jirtay waana Dhibsan jiray hadalkeeda ayadana Walawal iyo Hurdo la’aan ayaa ku dhici jirtay.

Anigana waxan iska ilaalin jiray inaan Guriga kulaabto ilaa ay ka Hurodo Hooyo waxay gaartay heer ay iska Seexato, lakiin Warqad ayey ii Qori jirtay oo iigu Dhajin jirtay Kushiinka hortiisa oo ay ku Qoran tahay Cuntada meeshay ii taalo iyo Nuucay tahay waxaan saas ku socdo oo Habeenkiina iska Wareegaayo, Maalintiina iska Hurdadaba heer waxay gaartay Hooyaday xataa in ay Warqada iigu soo Qorto dharka kaa Wasaqa ii soo Dhig banaanka si aan kuugu dhaqo Subaxdii.

Waxey Arrintu sidaa ahaataba Habeenkii Dambe ayaan Waqti hore Guriga ku soo laabtay mase waxaa ii dhagsan Warqad sheegeysa aad in laygu baahan yahay ay ku Qoran tahay laakiin Waqti aan ku sii Aqriyo ma haysan oo Hurdaa i haysay Banaanka ayaana ka soo Casheeyaya oo Cunto uma Baahneen, Sariirta ayaan toos u tagay aniga oo aan Aqrin waxa ku qornaa Warqaddaasi, Hurdada i haysay darteed, waxaan Hurdaba subixii ayaa waxa ii soo galay Aabahay oo Ooynaayo Hurdadii ayuu iga Kiciyaya misane waxa uu i yiri:- Hooyadaa waa Dhimatay illaah ha u Naxariisto ilaa laga Duugaayaya waan Ooynayay, Maxayse Oohin Taraysaa Hooyo hadeey dhimatay.

Ka dib waxaan ku soo laabaty Gurigii Galabtii markii la Duugay, kadib waxan ku Aruuray Sariirtii Murug iyo Naxdin iyo Shalayto lakiin si dad-dag ah ayaa waxaa Qalbigeyga ku soo Dhacday Warqadii aan ka Seexday xalay Aniga oo aan Aqrin Hurdo dartee waxaan Aaday Kushiinkii waxaan soo qabtay Warqadii, waana Aqriayay, waxaana ku Qornaa hadal ka duwan kii hore oo Ah:- Hooyo Guriga Hadaad ku soo Laabato i kici waayo, waxaan Dareemayaa Xanuun si aad Isbitaal iigu Qaado.

Subxaanaalaah, Oohintii iyo Naxdintii ayaa igu sii Korortay, waan Qoomameeyey, oo Calooshii ayaa aad ii Hurday, Waxna kama qaban karo, waxaanse aad u dareemay Hooyo Naxariistii ay ii sameen jirtay iyo aniga sida ay ii sirtay Adduunyadan Dhalanteedka ah, wixii maalinkaa ka dambeeyey, waxaan dareemay Hooyo inta Howl ay ii heysay oo ahaa kuwo aan marnaba abaalkooda la gudi karin. Ilaahoow Dhammaan Hooyo Jannada Abaalkeeda ka yeel yaa Rabbi, Yaa Allaah.

FG: Qisadaan Kobciye.com Waxey Ka Baxday Sanadkii Hore.. Waa ku celis si aay ugu cibro qaataan dadkii aay dhaaftay..

Wabillaahi Towfiiq.
W.Q:- Macoow Ustaad.

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply