fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Maxaa Dhex Maray Odaygii Waayeelka Ahaa Iyo Wiilkuu Awoowaha U ahaa?..

Published: October 21, 2015, 2:06 pm

Odey Waayeel ah ayaa wuxuu la Noolaa Wiilkiisa iyo Gabar uu Sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah uu Wiilkiisa dhalay, Odeyga wuxuu ahaa Nin Da’diisa ay aad u Weyneed, oo aan Awoodin Socodka, Marka uu Cuntada Cunaayana ama uu Cabaayo Biyaha, inta badan waxey uga Daadan jireen Miiska Cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo aad u Liita dartood, Sidaa darteed Wiilkiisa iyo Gabarta uu Sodoga u ahaa oo Miiska kula Cunteen jireen aad ayey u Dhibsadeen Duqa.

Wiilkiisa ayaa yiri:- Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa.
Wiilkiisa iyo Gabadhuu Sodoga u ahaa waxey u Diyaariyeen Miis yar oo Gooni loogu bixiyo Cuntadiisa, si uusan u Dhibin mar danbe, Xili intooda kalena ay ku Raaxeesanaayaan Miiskii weynaa ee Raashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah, si uusan mar kale u jebinin Alaabta. Markaad Fiiriso Odeyga Wejigiisa, waxaa ka Muuqaday Murugao Xad dhaaf ah, wuxuuna Dareemaayey in Gooni loo Takoorey. Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu kala socday, wax walbana wuu Dareemaayey.

Habeen kii Dambe iyadoo Cashada loo Fadhiyo ayaa Wiilkii yaraa aad u Mashquulay isagoo Miiska Hoostiisa Alaab ku Ciyaaraaya, Aabihiis ayaa si Deggen u weydiiyey oo yiri:- Aabo maxaa kugu Dhacey oo ku Mashquulsan tahey?. Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabey:- Aabo waxaan idiin Sameynayaa Adiga iyo Hooyadeey Miis yar iyo Baaquli Dhoob ah, si aad Cuntada ugu Cuntaan markii aad Duqowdaan, sida aad Awoowe aad yeesheen oo kale, oo aadan Aniga ii Dhibina.

(Ogow Waalidkaaga waxaad ku Sameyso, Ubadaaga ayaa kugu Sameen doona).

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW KUWA WAALIDKA XAFIDA NAGA YEEL).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply