fb

Qiso Gaaban Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Subxannallaah”..

Published: October 17, 2015, 10:22 pm

Nin Odey ah oo meel ku Ooynaayo ayaa u yimid Nin, markaas buu Weydiiyey maxaad la Oyneysaa Adeer? Odeygii ayaa ku Jawaabey:- Waxaan lahaa Wiil oo aan aad u Jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo Aqoonyahan, sidaa darteed waxaan Baray Aqoon, oo waan ku Dadaalay, oo waxba kama aanan Hagran, ka dib waxaan ka Dhigey Aqoonyahan weyn.

Nasiib daro Wiilkii wuu Xanuunsaday, markii Isbitaalkii la dhigey ayaa Dhaqtarkii ii Sheegey in Wiikeygu ku jiro Saacadahii ugu Danbeysay ee Noloshiisa. aad baan uga Murgay, kadib Wiilkeygii ayaa igu yiri:-Aabe ii keen Shahaadooyinkeygii oo dhan. markaas baan u keenay Shahaadooyinkiisii, intuu ii soo Taagey ayuu igu yiri:- Aabbe waa kuwan Shahaadooyinkeygii si Fiican ayaad wax ii soo Bartay, iiguna soo Dadaashay, laakiin Nasiib daro ima aadan Barin Hal Erey oo Qu’raan ah, Sideen u Hor Istaagaa Rabbigeyga?

Su’aashaas uu Wiilkeyga i weudiiyey ayaa ilaa Maanta iga Oohineyso, Anigoo Arkaaya ayuu Wiilkeygii ku Geeriyoodey Horteyda!.

Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW UMMADAADA U GAR-GAAR, YAA RABBI).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Qiso Gaaban Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Subxannallaah”..

Leave a Reply