fb

Qeybta Labaad Sababaha Rasmiga Ah Ee Keeno Furiinka Loona Baahan-yahay In Laga Fogaado.

Published: October 23, 2015, 6:43 pm

Maalintaan go’aansaday inaan jaamacad kabilaabo dalka dibadiisa waxaa talooyin iyo tusaale iisoo jeediyey dhamaan waalidkay, asxaabtayda, macalimiintayda ,dariska iyo qaraabada si,aan uga taxadaro maadada aan taqasuska kuqaadan qolo kastaa waxay sigaarkeeda iisiinaayeen tijaabooyin “

Waxaay igula taliyeen in aan qasaarinin 4-ta sano ee jaamacada kujiro waxay ilahaayeen Taqi-yoow maantay waxaad usocotaa oo go’aansan mustaqbalkaaga waxaa hadda go,aamiso ayaad kuu ah mustaqbal “dhamaan tood abaal ayaan uga hayaa balse fiicnaan laheeda sida wanaagsna ee waqtiga iyo waanada iigu siiyeen inay iigu siiyaan maalintaan go,aansan qofka aan nolosha laqeebsan waxaa hubalaa maalinta aan iraahdo waan guursan inay cidna isiineen tajaabo yar aan uga badbaadi karo kuhungoobida guurka .

Waxaa la,igula talin oo cashar la,iisiin naag waxay kugu dhaqee 70 sano waxaad kubartid 7 galka ee waa inaysan naxariis iyo beer jileec kugu baran, xoolahaga udiidiid, xili danbe xaafada imoow markay geel uheesto ari uhees “dumarkuna taladaas mid kaliidata ayaa lasiiyaa maalintii lasoodoonto islaamo aysan waligeed lasheekesan ayaa sheeko ugu imaado eedo, habayar iyo saaxiibo aysan waligood gurigooda tagin yaa martiqaad ugu yeero wax kale maahee waa in lamarin habaabshaa subxaana laah!! Yaa ilaahii.

Asbaababa dahliya furiinka qurbaha “macnaa dadka kunool dibada qaasatan Yurub iyo waqooyiga America aqoon aad udurugsan umolihi balse waxaa iisuura gashay maraan sidaa usii fogeen inaan shaqo kahelay shirkad USA waxaan xirii isgaarsiin lalahaa dadka kunool Canada iyo USA waxaan maalinkastaa 8saac in kabadan talfon kulahadli jiray dadyow kala duwan oo customes ah somalidu waa kamid ahaayeen dadkaas nasiib wanaag waxaan jawaab uhelay su,aasha ah asbabaha dhaliya furiinka qurbana waxaan wareestay dumar iyo rag fara badan oo dhibkaas soomaray ama kujira ama xigaaladooda kudhacday.

Waxaan kamararneen dadka aan wareestay dadka kunool Europe oo asxaabo badan kuleeyahay “dadka aan warbixintan kasoo ururiray waxaa kamidaa dadaan gaar ugaran iyo dadaan aqoon ulaheen balse markaan usheegyay inaan airnkaas maskaxdeeda jawaab uga la,ahay ayey igu saacideen dhamaamtood abaal weyn ayaa u,ahaa waxana kamida waxyaalaha dhaliya furiinka qurbaha waxyaalaha soosocdo.

Waxaa ninka iyo naagta isqaba isku dhibaan inay udhaqmaan ama ufekeraan siday ufekeraan bulshada ay lanool yihin taasoo suura gal aheen marnaba in gabar Somali ufekerto sida gabdhaha reer galbeedka wiilashuna waa lamid dhibaatada kadhalata soomin guurida dhaqamada shiheeye ayaa ah lafdhabarta furiinka guurka qurbaha. Dhanka cunto karinta, labiska, galmada iyo iscarfinta ayaa ah dhibka dhaliya furiika qurbaha waxaan nafsadeyda iyo qofkastoo Somali kula talin inuu joojiyo dabeecada daanyeerka!

Hadaad ufiirsatay daanyeerku wuxuu kudabeecad yahay qofka uu lajoogo ee korsada haduu yahay ruux tuug isna tuug ayuu noqdaa oo xaafadaha ayuu alaabta kasoo xadaa hadduu ruux dadka dila lanoolyahay daanyeerka wuxuu isna udhaqmaa sida gacan kudhiigle oo intuu dariiqyada joogsado ayuu dadka dhegxeeyaa haduu yahay ruuxa daanyeerka heesto ruux dhilayaa(zaani) isna dhilay ayuu noqdaa oo gabdhaha ayuu dariiq kuqabsadaa taas waax garan kartaa hadaad dib uxasuusato daayeerada xaafdada joogi jiray.

Marka inaad isku dhibto inaad sooqaadato caadooyinka aad ku,aragtay dadka aad lashaqeeso ama aad wax labarato kuumo haboono ee sida Hinidada dab caadubka meelkastoy joogan udhaqmaan ayaa kula gudboon inaad diintaada islaamka iyo dhaqabkaaga wanagsan ee somaliga kudhaqanto Qodobka 2aad waxaa weeye ragga iyo dumarka isqaba waxaa wax kasugaayo xidid iyo xigaalo oo waajib weyn ayaa kasaaran siday qoosaskooda kutabaalesan dalka uga bixin lahaayen dhibka heesta marka guur meesha soogalo isqabqabsi dhanka xoolaha iyo sida qofkastaa waajibka gaarkiis usaaran ulaxalin lahaa qofka kale ayaa bilowda taasoo gaarsiisa in aaqirka laysfuro

Markii hore ayaan lagu darsan talada arinkaan oo layska indha saabay markii baahida shahwo degtay ayaa lagu soobaraa rugay. Qoodnka 3aad oo ah qodob xasaasiyaa ayaa isna meesha kamarneen taasoo ah in dumarka somalida aysan kabaran ama ku,arag hooyadeed, sodohdeed ama walaasheed kaweyn inay aqalka fadhiso sida gabdhaha carabta ama Pakitaanta raguna sooshaqeeyaan waa dhaqan islamiya in dumarku aqalkooda joogaan raguna sooshaqeeyaan balse yaa kukari kara raga somalida inay dumarku ushaqeeyaan oo suuqa uga soo adeegaan waa calaacashoo timo kasoo baxdo!!

Markii qurbaha latagay ayaa rag fiican dabeecadaan lasoobaxeen balse markay si xukun askarimo kujirto u,armeen xaasaskooda inay aqalka joogaan isna sooshaqeeyo ayaa diidmo culus kahortimid ama hadii sikale looyiraado uusan awoodi karin inuu xilihiisa, xigaaldiisa, xididikiisa uwada xamaalo ayaa kadhalan karta inay ooridisu tiraaho jaale dadkayga ayaan ushaqeesan ee aqal adiga xabsi kuugu gali mayo halkaas oo xero fandhaal kala fulqamaan!! Qodonka ugu dabneeyo oo ah qodob dumarku shaydaan uqurxiyey ayaa ah sababha furiinka qurbaha,

Waana in dumarku iska dhaadhiciyeen in diinta islamka xuquuqdooda kutumatay oo raga wax dheeri lasiiyey markii qurbo latagay ayey afar xaniinyo lasoobaxeen iyagoo kujirto aargoosi iyo xaasidnimo ragga uqabaan waxay bilaabeen inay waxkastoo wanaag uu ninku usameeyo aysan milicsan oo caadifad ayaa kujirto taasoo aaqirkii kafarxineeso ibliis iyo dhashiisa waxaan umaleen inaysa dumar badan oo Somali aysan maqal oraahdii ninkii ingiriiska ahaa ee islaamay markuu aqriyey xuquuuqda diinta silaamku siisay dumarka ayuu aad uyaabay isagoo yiri hadii aan muslim ahaan laheen waxaan oran lahaa kitaabka qur.aanka dumarka ayaa qoray sida uu ugu hiilinayo darteed

Balse way yartahay dumarka somalida ee qaba fikirkan qolo yar oo shaydaan wax udhurxiyey oo wax magarataa ayaa ku,andacoota in diintu kahiilisay.

FG:- Waxaan dhanaam akhristayasha kobciyemedia.com ee sharafta badan uga cudurdaran inaan qoraalkan qolo gaar ula jeedin waxyaalaha aan kuqaldamo aad karaali noqtaan adinkuu mahdsan aqoon yari aawadeed “ haddii aad dooneeso inaad kahortagto waxyaalaha shaydaaka farxad galin uu furiinku ugu horeeyo waa inaad kudhaqdaan aqalkiina siday diinteena nafareeso

Adigoo lakaashan dhageesiga cajaladaha boqol soon ilaah ha,unaxariistee aamiin dhaxal wanaagsna oo wax ku,ool ayuu uga tagay dadka guurdoonka marka cajaladahaas iyo kuwo kaloo fara badan oo culimo diyariyeen ayaa jira waadna mahadsan tahay aqrinta maqaalka hu waliyul mutaqiin.

Wabilaahi towfiiq wasalamu calaikum.

W.Q Dr.Taqi Bashiir.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply