fb

Q2aad Qormo U Qaas Ah Dumarka Xaasaska Ah Ee Ku Dhaqmo Arimaha Noocaan Oo Kale Ah..

Published: October 22, 2015, 12:00 am

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuhu.

Marwooyin yahaw hadan lagu arkin sidad sayigaada ula dhaqmeyso Eebe wa idin arkaye ee Alle ka baqa!!!

Qaybtaani wa qaybti hore teedi labaad Q2aad 1aad horan uso marney uga(hadalnay) waxan isku deeyi wax badaan oo aan arkey inaan ka waniyo marwooyin badan oo aan is ogeyn siday u dhaqmayan qofka binu adan kana wuxu ku dhaqmayo ismaa arko hadu shaytaanku ka adkado marka waxa fican in qofka xalaadisa la socda wax u sheego khalaadka marwooyinku badaan koodu galaan Eebe kor ahaye inu cafiyan uga baryaya insha’allaahu,wa jiran marwooyin zowjaad salixaada aadna ugu wanaagsan sayigeeda iyo caruurteda aadna isku dhex galeen iyaada iyo sayigeeda taasina wa guul uso hooyaday labaadoda.Waxaan ku xijiin doona inaan raggana wano yar siiyo insha’aallaahu.

Walaashayti qaaliga badneydeey marka hore waxaad hoos u eegta qayrka oo aan maanta weheel iyo caruur sayi midna heysan hadh iyo habeena Eebaha raxmaanka ka barya inu siiyo sayi weheel u noqda iyo ubaadkeega abahood waxad kalo arkeysa gabadh u cil qabta kuna dharanaysa hadu shukansado nin xaasle zowjaan saalixa aad u wanaagsanna inaay hore ka raxaysan dumar .

Waxad arkeysa gabadhta saxiibteed ku xamaanaysa in ninkeega udaran tahay odhanaysana alaylahe hadu i qaabi laha miyu silican oo kale arki laha iyo mid aan musuliyad iyo qoysba sida lo dhaqto aqoniin aya marwo u noqoday miskin ka aan uga aar gudo iyo wax la mid ah wayna dhacday in dumar ay taqaano la guursadeen sayigeedi.

Marka ukhtanaah indhaha kala fur cadowyadadu waa badan yihiin”e sayigaada dhaqo waxa jira rag aan jeceyln guurka badan isago oog in Eebe kor ahaye u baneeyey 4 haweyney ayu hadana jecel yahay inu is kala joogo habadiisa sow nasiibka ma aha sayigaada oo ku jecel adiga iyo caruurtadana idin ka dhaxayniin oo idin la jooga hadh iyo habeen intu shaqada iyo masjidka idinka maqan yahay maa aheene.

Muuxu sayigaadu ku guursaday gurigana ku deejisday intaas maa is waaydisay ukhtanaah!!!

Waxa yalaahan arkey waxay igu noqoday waxan caqliga binu adamka kuso dhici karin indhihi aragtana aan rumaysan karin sida marwooyinka karkood u dhaqmaan ukhtanaah hadi adan sayigaada xanaanaysan karin maxad u guursaday gurigana ula deegday? ma waxad u guursada in caruur laga dhalo iyo cayr inaad ku qadado? misee waxad u guursaday inaad marwoo u noqodo sayigaada kunaa asturnado caruur salixana Eeebe ka siiyo u noqodana tu ku nasan laha xanaanayntiisa iyo daryeelkisana ka war qabi laheyd!!!bal inyar maskaxdada duujiyo oo is waydi waxa lagu guursaday gurina lagu deejisday?Jawabteedu kuma adka marwada saalixada ee muminaadka Eebe kor ahaye ku xiidhan oogna wajibaadka illahay ka sarey sayigeeda caruurteda iyo daryeelka gurigeeda.

Horta guurka haadu  ku wanaagsanaado wa calaf iyo nasiib haadu ka xumaadanaa wa calaf iyo nasiib iyo wax qorna lakin waxa aad u ayaan daraan marwooyin Eebe kor ahaye nasiib koga kuso adiiyeey zowj saalixa oo aad u wanaagsan una dhago nugool oo aan diday odhaneeynin haday wax u bahaadaana garaabkeega taagan,iyaadina aad moddo qof damirki iyo naxaristiba ka guurtay oo indhaha iyo qalbiga baa laa oo wanaagiisa iyo sharaftu u haayo laaga indho sabaabay iyaadina qaylo canjaruuf un taqaan waxna u qabanaynin oo sidi laaba qof oo caadi u wada nool ula dhaqmaaysa caruurta un kaaliya ku mashqulsan isagina illoowday xaqisi iyo daryeelkisi isaago xalaadasi ku sugana u samrayo cadina u arkayo nasiib wanaagsanaa adoontasi see ayaan daaraana waxaa see dhaxaal u  cuqubo iyo naabsi  wadaadi naartana way haysaa..

Sayigaadu wuxu raba inaad u noqodo mid u dhago nuguul siday hooyadi uso xanaanayn jirteyna u xananaysada!!!

Hadaba ukhtanaah eheelkagi ayad kaso baxday waxad noqoday gabar la qabo oo masuliyaad cuslus qadaay guri aan tii waliidka aheyn ayu ku deejisday isna gurigi waliidkis lagu xanaaneyn jirey ayu kaso baxay wuxaad u noqoday marwaadisi wuxu noqday qofki 3aad ee xaqka kugu laaha lugaha hoostisana janada furaha kugu jiro adaag tahayna sidaad furaha uga heeshiid hadi adan u marin jiidkiisa oo adan oofin wixi Eebe swt kor ahaay marwoo waalba lagu faraal yeeley taasina inaan ku sharaxo ma aheyn oo gabar diinta lagu so tarbiyeeyey ayad tahay garanaysana abaalka sayigaada inaysaan gudaan karin si kaastoy u wanaajiso.

Waliidkiis ayu kaso wareegay wuxu ka raba ukhtanaah inaad sidi hooyadi oo kale u xanaaneyso wuxu ka raba inaad subaxi u kacdo oo aad u samayso quraac diisa isago diyaarana miska u sarto wuxu ka raba duwaalkisi oo naadiif u ah inaad mushqusha u dhigto wuxu ku dhaho waxasan raba inadaan kahaniin ama adan didin adigo cafimaad qabaa sidu sayigaadu quraacda isagu u samaaysda adiguna aad is kaga fadhida siduu damir kaguna ku siin kara sayigaadu quraac haso samaysto.

Hooyaadi siday u xanaanayn jirtey wilkeega inaad u xanaaneyso aya laga raba. daryeelka inaad caruurtada ku qobto ma ahee wa inaad isagana ka fikirta daryeel kiisa.Gogooshiisa meeshu seexdo iyo dharkisa  wa inaad ka war heeysa oo aad u naadifisa una carfiisa 3waqti ee wax la cunaana   miskisa isago diyaar ah ugu imaada sidaasay hooyadi  ugu so daryeeshey wilkeega kuna so barbaaray adigana laga raba ukhtanaah dadaal yaanay  qayrka noqoon kuwo nuuraayan sayigoodu adigana   kaagi  dayacnimo iyo darxumo  ka muqdo dhexda  xiidho oo inti karaan kaga ah dadaal sayigaadana  raaliyo u noqo raaliyo  janaada u balaan ah albaabkey doontana ka  galaysa.

Walaashaydiyeey daariqi naarta ayad ku socodaa naaftada daariqa janada u weeci Eebana ka baaqo sayigaada ku wanaagsan dhaqo sidu ku kool koolinayaana u koolkooli saxiib ka dhigo jeceylkaga gacal kaga qaaliga ah ka dhigo sirtada ka dhigo ha ka dhiman ama yaanu ka dhimaan asaago raali ka aheyn ee ka furo furaha janada geed dheer iyo mid gabaan ba u kor siidi aad uga furan laheyd furaha albaabka janaada insha allaahu wad guuleysaan!!

Waano yar oo u gaar ah ragga.

Walaalkayow ma rabta inaad hesho marwo salixaad ah kunaa dhago nuglaada kunaa noqoda janadi akhiro oo aduun laagugu so dedeejiyeey hadaba radso marwo diin&akhlaaq iyo wanaag oodhan Eebe swt ku manaysdey kunaa xidhaan kitaabka iyo sunaha oo reer akhiro ah aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda aan dhan ka laheyn diinta iyo dhaqankeega ku dhagaan ogow walaalkayow quruxda la radiya waxa ugu qurxoon ta qalbiga gabar diin iyo akhlaaq leh hooyo wanaagsaana u noqoda caruurtada hadaad heeshoo wad liibantay aduun iyo akhiro ee ogow waxaad ku noolanaysa nolool raaxo iyo farxad murugo iyo dhib doona laheyn marka adigay dooraashadadu kugu xidhan tahay.

Hadii aad guursado gabar reer aduunyo ah zowjad ku noqon mayso kumaana dhago nuglaneyso ee waxay kugu noqon gidaar iyo dhagax albaabadi dhibatada iyo murugada badneydnaa waay ku furaanday shaleeyti iyo cimri degdeeg aya kugu dhacaya marka ka firso mustaqbal kaga gabadhta aad la socodana iska eeg in badaan.

Nabigu salaalahu calayhi wasalaam wuxu yiri:Ninka hela gabar Saalixad ah wuxuu heeley nicmati aduunka wanaag odhaana waxa lagu sheegay waa gabadhaaha salixaadka ah.Eebe swt ha nagu daaro amiin ya allaah.

W:Q Idil zuw cali.

Wabillaahi Towfiiq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply