fb

Ninka Hab Dhaqankaan Leh Weligiis Boos Kuma Yeesho Qalbiga Lamaanihiisa.. “Dumarka Iyo Waxeey Necebyihiin”..

Published: October 20, 2015, 5:12 pm

Aadmigu isku dabci maahan waxaa jiro qof qalafsan marka uu la joogo raga balse marka uu xaaskiisa la joogo u jilcan una dhoola cadeeyo, iyo qof markuu raga la joogo aad ula dhoola cadeeyo balse xaaskiisa wakhti walbaa ku qaabilo qalbi qalafsan iyo xirxirnaan joogto ah.

Hadaba ninyahoow kobciyemedia.com waxeey kuusoo gudbineeysaa qodobo ku haboon inaad si xoogan ugu feejignaato hadii aad ku dhaqantana waxaa qarka u saarantahay xaaskaaga in aay ku nacdo iska daaye in aay ku karaahiyeeysato.

3= Ninyahoow  weligaaba ka feejignoow in gurigaaga oo cunto kaaga diyaarsantahay aad meelaha kale kazoo cunteeyso, waayo dumarku waxeey aad u necebyihiin cunto aay kariyeen dabka aadan dareemeyn kuleylkiisa saacado la soo ag fadhiyeen markii aay ninkooda u diyaariyaan in uu dhaho waan dharganahay, taasi dumarku waxey ku ridaa madax xanuun iyo weliba in aay nacdo ineey cunto danbe kuu kariso, ha u maleyn hooyadaa oo xiligii aad yareyd inta aad xanaaqdo cuntada inaad diido kugu baryeeysay ama kuu reebeysay adigoo kibir ugu tagay kolkii horeba…

Balse xusuusnoow in haweenkoo idil aay iska qalbi jilcanyihiin ayadoo xiliga qadada ku dhahday danbo wax kuu Karin maayo ayey cashadana dabka kuu saareeysaa, adigana sidaa iyo si lamid ah ugu taxadar qalbiga xaaskaag.

2= Nin Iyo marwadiisa waa lama huraan in aay wakhtiyada qaar is fahmi waayaan, balse ka illaali xaaskaaga inaad caayso ama aad canaanta ka badiso qaasatan waxaad ka feejignaataa in aad caayso jirkeeda adigoo ku caaynayo cayil, caato, iyo wasaq waxyaabahaasi dumarku qalbigeedu si xoogan ayuu u wax yeeleeyaa ka fiirso hadalada aad ku oraneysid wakhtiga aad is af-garan waaysaan, si aadan qalbigeeda ugu reebin raad lama iloobaan ah.

1= Xaaskaaga wakhti aay ku maqleeyso ha caayin caruurta weliba ka feejignoow inaad dhahdo sida hooyadiin baa adinkana areebooyin tihiin, waayo raga wax agtooda sahal ka ah ayaa quluubta haweenka si xoogan u dhaawaco, wax raga agtooda qafiif ka ahna quluubta haweenka ayaa lagu kasbadaaa.

Ugu danbeyntii isku day xaaskaaga inaad ula macaamiloootid sida aay ku qanacsantahay adiga oo aan isku dayeen inaac ula dhaqantid sida aad adigu ku qanacsantahay…

W/D Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge’.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply