fb

Nin Xaaskiisa Ku Furay Sodohdiis Oo Qayisho Iyo Qoyskaas Kala Tagay Oo Dhamaan Is Guursaday.

Published: October 20, 2015, 8:09 pm

Nin ku nool magaalada Muqdisho ayaa xaaskiisa u furay, kadib markii uu ogaadey in hooyadeed ay Qaadka cunta, arrintaasi oo dad faro badan ay ku soo baxeen, kuna jaho wareereen.

Arrintan ayaa dhacdey xilli gabadha hooyadeed ay u soo martidey guriga gabadheeda lagu qabo, xilli seyga guriga uu ka maqan yahay, gabadhana ay wacdey ninkeeda oo suuqa ku maqan, kana dalabtay in uu Jaad u keeno hooyadeed oo guriga marti ku ah.

laakiin ninka oo xoogaa ka meermeeray in uu Qaadka u soo iibiyo, una keeno sodohdiis ayaa xaaskiisii ay si xanaaq leh ay ula hadashay, hadalo ad´-adagna ay isdhaafsadeen.

Markii uu guriga yimid ayuu isla markiiba ka dul ridey dalaaqadeedii, isagoo aad uga careysnaa Qaad cunista sodohdiis.

Qoyskan iminka burburay ayaa ahaa qoys dhowaantan dhismay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply