fb

Nin Reer Baadiye Carbeed ah ayaa Qabriga Rasuulka CSW, is hor taagay, (Bal eega wuxuu yiri, kuna Raxeysta).

Published: October 21, 2015, 10:05 pm

Nin Reer Baadiye Carbeed ah ayaa Qabriga Rasuulka CSW, is hor taagay, (Bal eega wuxuu yiri, kuna Raxeysta).

wuxuu yiri:- Alloow Kani waa Xabiibkaagii, Anna waxaan ahay Adoonkaagii, Shaydaankuna waa Cadowgaagii. Haddaba, Hadaad ii Dembi Dhaafto: Xabiibkaagii wuu Farxay, Adoonkaagiina wuu Liibaanay, Cadawgaagiina waa Hoogay oo Murugooday.

Hadaadad ii Dembi Dhaafinna Xabiibkaagii wuu Murugooday, Cadawgaagiina wuu Farxay, Adoonkaagiina waa Halaagsamay.
Alloow Carabta kooda Deeqsiga ah haddii Seyidkoodu Dhinto, Adoonkooda ayey Qabrigiisa Dushiisa ku Xorayn jireen, (kolkaas intuu Qabriga Nabiga CSW, Farta ku Fiiqay) ayuu yiti:- Alloow kana waa Sayidkii Caalamka oo dhan Qabrigiisa korkiisa Naarta igaga Xoree.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW SHAFEECADA RASUULKA NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply