fb

Miyaad Ku Milmi Waaysay Quluubta Lamaanahaada Waa Maxay Guul-darada Jaceylka.

Published: October 20, 2015, 3:10 pm

Mudooyinkaan danbe waxaa soo badanayay mucaashiqiin soomaaliyeed, balse waxaa is weeydiin noqotay sida jaceylkii hore loogu dhaqmi jiray maxaa badalay.

Waxaa jiri jirtay in jaceylkii hore uusan aheyn mid dheel dheel ahaa sidaan la wada socono dumarkana aay xulan jireen raga ku ad adag aroorinta xoolaha iyo weliba in uu yahay nin soo sahmin karo goob fog oo roob ka da’ay.

Maskaxdeyda waxaa kusoo noqnoqdo hal suaaal oo i wareerisay taasoo aan maanta doonayo inaan jawaab kaga helo akhristayaasha kobciyemedia.com oo mudo badal webkan kala socday sheekooyin jaceyl ah, arimaha diinta, suugaanta, barashada computer-ka,iyo weliba macluumaad kale oo faro badan.

Akhristoow suaasha maanta aan jawaabta u doonayaa waxeey tahay Jaceylka soomaalida intiisa badan muxuu farxad ugu biloowdaa dhamaadkana guul daro iyo niyad jab uu ugu soo dhamaadaaa??!!!!!!!

Suaashaas akhristayaaasha ineey iga jawaabaan ayaan doonayaa fikradoodana dhanka hoose aay iiigu reebaan.

Maalmaha soo socdo ayaan soo gudbin doonaa sababta igu kaliftay inaan suaashaas idiin weeydiiyo iyo qisada keentay haduu Eebe Nafta inagu simo…

W/Q Ibrahim ali Abdi “Kalafoge”…


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Miyaad Ku Milmi Waaysay Quluubta Lamaanahaada Waa Maxay Guul-darada Jaceylka.

  1. gidir says:

    Asc marka hore aad ayaa u mahad San tahiin bahda kobciye.com iyo dhamaan asxaabta Ku xiran,
    Aniga wax a Ay ila tahay in marka horeba uusan jirin jaceyl dhab oo Ku xiran mustaqbal ee uu ahay damac iyo ka helid qurux ama dayn u muuqato kaliya
    Tan labaad waxaa kale oo dhaci karto in dhaqaalo xumo lagu kala haro oo awood dhaaqalo aysan jirin taasa ayadana ah caqbadah keeno in si niya jab ah lagu kala haro

Leave a Reply