fb

Maxaad Ka Taqaanaa Qiimaha Aay Hooyo Leedahay Akhriso Qisadaan Qiirada Leh..

Published: October 24, 2015, 7:03 pm

Waxaan la degnaa hoyadeey ilaa aan gaaray 20 jir. Markaan 20 jiray baan ka guuray guriga hoyadeey, markaan guurayey waxeey hoyo igu laheyd, wiilkeeygiyoow ha iga tagin oo guriga ila joog.

Hooyo aragaaga baa wehel iyo il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku jeclahay ha iga dheraan. Aniga hadalkeeda ma aanan dhageysan, waxaana u heestay in eey iga horjoogto wax walbo oo aan jeclahay.

Waxaan la degay wiilal aan saaxibo nahay. Waxaan u dhaxeyay school iyo shaqo. Markaan waqti helo waxaan aadi jiray filim iyo ciyaar. Mar mar ayaan hooyo waci jiray si aan u hubiyo xaladeeda.

Maalin baa waxaa dhacday hooyo in eey xanuunsatay’ eeyna weysay qof caawiya. Seey u xanuunsaneysa baa waaga ugu bariyay. Subaxdii xigta ayadoo daciif ah beey deriskedii ku gar garacday derbiga. Deriskii baa maqleen’ waxeyna ugu waceyn ambulance.

Hooyo isbitalkii baa la geeyay. waxeey weey diyeen qofka la nolaa’ waxeesa dhahday keligeey baa nolahay. balse waxaa jira wiil aan dhalay oo magaalada jooga. Numberkeyga beey weydiyeen kadina weey siisay. waxaa isoo wacay qolada isbitaalka ayagoo leh hoyadaa weey tabar yartahay oo wey xanuunsaneysaa u imoow.

Waan naxay oo waaan cararay. Isbitaalkii baan tagay waxaase la kulmay hooyo oo hadli weysay, hadalka kaliya ey dhaheysay waxuu ahaa, Allow maxaaan galabsaday. Markaan maqlay waan ilmeeyay. Hooyo weey eegi weysay indhaheyga waxeeyna igu dhahday sidaad i dayacday Allaah kuuma dayaco. Waan awoodi wayay in aan dhaho hooyo i cafi maxa yeelay waxaan xasuustay in aan noqday caasi mudneyn in la cafiyo.

Hooyo baa waxey igu dhahday waxaase mahad leh Allahi ikaa soo celiyay. Xanuuka aan xanuunsaday hadaan adiga soo noqoshadaada ku helay waxba uma arko. Walaahi nafteydii baa waxaan go’aansaday in aan hooyo dacayin inta aan nolohay. Hooyo baan guriga geeyay.

Waaan usoo adeegay, waaxe bartay sida cunto loo kariyo. Hooyo baan cuntada u karin jiray. Waxaan bilaabay in aan hooyo wada aqrisano quranka iyo axaadiista. Kadib hooyo waxeey ii doortay gabar kheyr qabto ah. waan guursaday, hooyana weey nala deganeyd. Waxaan dareemay farxad iyo nimcada Rabbi.

Walaal walidkaa hadeey noolyihiin’ marna hadayicin. Farxad waxaad ku noolaneysaa marka aad soo dhaweysato walidkaaga. Allow walidkeen u dambi dhaaf, Kana dhig kuwa ka gala Janada Albabka ay donaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply