fb

Maxaad Ka Garaneeysaa Faa’idada Aay Leedahay Soonka Maalinta Cashuura..??!

Published: October 22, 2015, 10:17 am

FADLIGA SOONKA CASHUURAA.

Walalayaal waxaan Halkaan ku soo Gudbineynaa, Kalmado kooban oo ku saabsan Fadliga Soonka Maalinta 10aad, ee Bisha Muxarram, oo ah Bisha Koowaad ee Sannadka Hijriga, oo aan hadda ku jirno.

Bisha Muxarram waa Bil Barakaysan oo ku weyn Allaah Agtiisa, waxeyna ka mid tahay Afarta Bilood ee loo yaqaan {الأشهر الحُرُم} Bilaha Xurmada leh. Sida Quraanka ku xusan Nabigana CSW, uu ku sheegay Sunnada.

FADLIGA SOONKA BISHA MUHARRAM.

Guud ahaan waxaa ku soo Arooray Sunnada Nabiga CSW, in ay Fadli leedahay Soonka Sunnada ah oo la Soomo Bishaan Barakaysan ee Al-Muxaram, sida ku Xusan Xadiiska ah:-

أفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ الله الْمُحَرَّمُ {رواه مسلم}.
Oo uu macnihiisu yahay:- Soon kan ugu Fadliga badan waa Soonka Ramamdaan, ka dib waa Soonka Bisha Muxarram. [waxaa weriyey:- Muslim].

Haddaba ayada oo Fadligaas leh, ayaa hadana waxaa ku Dhex jirta Maalin lagu magacaabo Cashuuraa. Maalinta Cashuuraa waa Maalinta 10aad (Tobonaad) ee Bisha Muharram, oo ku Beegan Maalinta Jimcaha ee Bisha Oktoobar ay tahay 23ka.

MUNAASABADDA SOONKEEDA.

Waa Maalintii uu Allaah ka Badbaadiyay Nabi Muuse CS, iyo Qoomkiisa Shartii Fircoon, marka Shukri Alaah dartiis ayaan u Soomaynaa, Maalintaasna waxey ahayd Maalinta 10aad ee Bisha Muharaam.

FADLIGA CASHUURAA.

عن أبي قتادة رضي الله عنه قال:- سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء
فقال: إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله. رواه مسلم
Nabiga CSW, mar la weydiiyay Soonka Maalinta 10aad ee Muharram waxa uu ku jawabay:- Waxaan Allaah kaga Ajar Dalbayaa inuu ii Dembi Dhaafo Sannadkii ka Horeeyay.

Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar, Qofkii uu ka dhacay Dembi weyn, waxaa looga baahan yahay inuu Allaah Towbad Dhab ah ula yimaado inta uu haysto Fursada oo aysan Kedin Geeridu. (Allaah hanoo Dembi Dhaafo…. Aamiin).

MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:

Sida ugu Dhameystiran: Waa in la Soomo Maalin ka Hor ama Maalin ka dib Caashuuraa, oo ah Soonka Maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad. Ama Maalinta 9aad iyo 10aad. Ama Maalinta 10aad oo kaliya.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW NOO DEMBI DHAAF,, AAMIIN).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply