fb

Koox Cilmi Baadhayaal Mareykan Ah Oo Soo Saaray Waxaan Maskaxdaba Ka Daadageyn..

Published: October 21, 2015, 10:39 am

Cilmi baadhayaasha mareykanka ayaad moodaa maalinba maalinta ka danbeyso iney soo andhigayaan waxaan macquul gal aheyn mararka qaarna aan ka daadageyn maskaxda aadanaha.

Kooxda Culimada Maraykanka ee Baadhitaanada sameeya, ayaa sheegay cimriga Bini-aadamku inuu gaadhi doono 180 sanno.

Culimadan oo ah reer Sanfaransisco, waxay sheegeen horumarka cilmiga oo maalinba maalinta xigta horumar cusub ku tallaabsanaya ay horseedi doonaan Sanadka 2075 ka dib Binu-aadamka xal inuu u helo sidii uu u waari lahaa.

Hasa yeeshee culimada ku takhsustay gabawgu, waxay shaki geliyeen arrintaasi, iyaga oo intaa ku daray oo yidhi “Jidhka Bini-aadamku uma samaysna inuu jiro 120 sanno in ka badan”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply