fb

Jaceylku Ma Isa Siin Baa Mise Waa Himilo Iyo Qalbiga Iisho?, Waa Kee Jaceylka Dhabta Ah?.

Published: October 21, 2015, 1:03 pm

JACEYLKA DHABTA AH WAA KEE ?

Dadku waxay yiraahdeen: Jacaylka Waa isasiin, ee ma aha Himilo iyo inuu Qalbiga oo iisho keliya, Sayidkeena Abuubakar wuxuu Jeclaa Rasuulka CSW, Jaceyl aad u Weyn.

Xiliga Hijrada wuxuu ahaa Abuubakar inuu u Hormaraayo kolka uu Dareemo iney Suuragal tahay Qatar ka timaada Rasuulka Hortiisa, marna wuu ka Dambeynaayay si uu u ilaaliyo Gadaashiisa, ka dib wuxuu imaanaayay Midigtiisa, ka dibna Bidixdiisa, in ka Badan Hooyada Sida ay ugu Cabsato Ubadkeeda yar.

Kolka ay Galaayeen Godka, isaga ayaa uga Hormaray, Marka uu Arkay Meel yara Furan uuna waayay Shey uu ku Daboolo Lugtiisa ayuu Saaray ilaa uu Mas ka Qaniino. wuu Ooyay ilaa ay ilintiisa ka Qoysay Dhabanka Rasuulka CSW, isagoo Hurda. (Haddaba, Waxyaabahaas oo idil waxey ina tusinayaan Jacayl).

Jacaylka Maahan Ruuxa inuu Qalbigiisa ka Jeclaado, ka dib uu yiraahdo kaligaada Bax oo Hijroo, waxaan ka Baqayaa Cadowga iney ina Helaan, jacaylka waa Siismo iyo isku Dhiibid leysku Dhiibo Qofka la jeceshahay.

Sayidkeena Abuubakar RC, wuxuu u Bandhigay Rasuulka CSW, Dushiisa Laba Halaadood oo Geel ah, hase yeeshee Rasuulka CSW, wuu ka Diiday si ay Hijradiisu u Noqoto Mid Eebe loo Qaas yeelay, wuxuuna ku yiri:- Lacag ku iibso.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW RASUULKA SHAFEECADIISA NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply