fb

Indhahaada Waad ka Xiran Kartaaa Waxaad Dooneysid Inaadan Arkin, Balse Xusuusnoow Qalbigaada Kama.. “Xikmadaha Jaceylka Isbuuca”

Published: October 21, 2015, 7:00 pm

ASC WRB waa mar kale iyo xikmadihii jaceylka ahaaa oo aad aalaaba inooga barateen isbuuciiba inaan halmar hawada idiin kugu soo baahino.

Barnaamijkaan isbuuclaha ah inta bdan waxaanu diirada ku saarnaa sidii lamanaha soomaaliyeed ee jaceyl wadaga ah aay isku dareensiin lahaayeen caashaqa dhexdooda heehaabayo.

Xikmadaha isbuucaan intooda badn waxaanu kusoo qaadan doonaaa erayo waano jaceyl ah, welibana xikmadeysan qof walboo garaad lehna si fudud uu ku wada fahmi doono macnaha aay xambaarsanyihiin waanooyinkaan aanu kusoo dabaqay arimaha jaceylka.

Nagula Naso ISbuucaaan.

Hadii aad qof si dhab ah u jeclaato qofkaasi xur ka dhig hadii uu kuusoo laabto asagoo ku jeceyl qofkaas weligaa adigaa lahaanayo, bar xurnimadaa siisay haduu horay ugu sii baxo waa inaad ka sabartaaa.

Saaxiibtinimadu inta badan waxeey ku dhamaataa jaceyl isfaham ku dhisan, balse jaceylku sidiisaba marnaba iskuma badalo saaxiibtinimo, aan jaceyl laheyn.

Ninka raga ah kuma nasto halka uu daganyahay, ee wuxuu ku nastaa marwada uu jeceylyahay, macaanto agtaadana waxeey ii tahay janadii aduunyada, waaaaan Ku JEEEEEECLAAAAAAAAAAAHAY.

Jaceylku waa sida qoraxda oo kale inta uu caadka kasoo dhex baxo ayaad kuleeylkiisa ka dareemeeysaa meel fog.

Gabadhu markeey jaceyl kagala hadleeyso, waxaad si fudud kaga dhageysan kartaa runtana ka ogaan kartaa indhaheeeda.

Jaceylkaagu markuu hab kusiiyo u ogoloow kow ayada/asaga in uu kusii daayo, adiga xur ha usiin dhaqsaba inaad is daaysaan.

Ha lumin fursad kusoo martay ee aad jaceylkaaga ugu sheegi kartid inaad jeceshahay , hadii kale xanuun an ebid laga bogsan ayaad la keliyoobi doontaaa.

Nolosha sideedaba raali gelin malahan, jaceylkuna sidiisaba shalaaytada waa ka xaaraan.

Indhahaada waad ka xiran kartaaa waxaad dooneysid inaadan arkin, balse xusuusnoow qalbigaada kama xiri kartid waxaadan dooneyn inaad dareentid.

Intaan dib ugu kulmi doono xikmado kan lamid ah waxaan idiin kaga tagayaaaa “Jaceylku sidiisuba Waa Dareen Aan La Taaban KArin, Keliya Waa LA Dareema, Hadaba MArkaa Lamaanaha Usheegeysid Jaceylkaaga Isku Day Inaad Dareensiisid, Waayo Dareenku Waa Sheey Ku Raago Xusuusta Bini Aadamka” …………………………..

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply