fb

Ila Qosol: Madadaalada Shabakada Kobciye.com Iyo Sheekooyinki Qosolka Badnaa “Jimco Kar33m”.

Published: October 23, 2015, 6:33 pm

Waa mar kale iyo sheekooyinkeenii qosolka badnaa ee aad inooga barateen isbuuciina inaan mar iiin kugu soo gudbino shabakada kobciye.com si aan ugu nasano isbuucii nasoo dhaafay waxaan ka kahrisaneynay shabakada kobciye.com sida barashada computer-ka, arimaha jaceylka, sheekooyinka, la yaabka dunida, cayaaraha, I.W.M

Hadaba akhristoow sheekooyinka aan dhanka hoose kugu soo gudbineyno sheekada kugu qosolka badan dhanka hoose ee fikradaha inoogu reeb mahadsanid.

Sheekada Koowaad.

hada kahor aya dhaqtar wuxuu boor kusoo qortay qofkii an daweeyo wuxuu bixinaya 200 shilin, kii an daweyn waayana waxan siinaya 200 shilin, mid ciyalka xaafada ah aya hunguri ka galay lacagta dhaqtarka markasu intu dhaqtarka u tagay ku yiri ditore aniga waxba iima dhadhaman, dhaqtarki durbadiiba wuxu soo qabtay gasac wuxuuna siiyay bukanki shey qaraar badan oo gasaca uu kaso bixiyay, kii ciyalka xafada aha intu u adkesan waayay ayuu tufay qaraarka, dhaqtarki wuxu yiri hadii uu dhadhanka kuso laabtay hambalyo 200 iska bixi, maalin kale ayuu soo laabtay kii ciyalka xaafada ah wuxuna yiri ditoore aniga waxba ma xuxuusto, dhaqtarki durbadiba gasacii ayuu soo qabtay, xarifki ciyalka xafada inta is celin waayay ayuu yiri sow maaha gasacii maalin dhaweyd ee qaraarka badna, dhaqtarki wuxu yiri markale hambalyo madama ad wax xusuusatay 200 shilina iska bixi, xariifki isagoo madax xanuun hayo ayuu isaga tagay.

Sheekada Labaad..

mid doqon ah baa wuxuu soo gatay joornaalka faaqidaada ciyaaraha, sxbkaa guriga markuu imaaday joornaalkii ayuu fiinijeerka galiyay. hooyadiis oo fadhiga fadhisay oo yaaban baa waydiisay, “Maxaad joornaalka fiinijeerka u galisay?” Doqonkii baa kujawaabay, “Waxaa ku qoran ciyaar kulul oo dhax martay 2 koox marka xoogohoo hakuu qaboobo baan isleeyahay joornaalka.

Sheekada Sadaxaad.

Xaaskii: ma’ogtahay jaariyadeena uur ayaa kusoo baxaye?
Cabtooygii: Taasi waa mushkiladeeda.
Xaaskii: waxaan maqlay inaad adi sabab utahay.
Cabtooygii: Taasi waa mushkiladeyda.
Xaaskii: Waxaas kaama qaadan karo.
Cabtooygii: Taasi waa mushkiladaada.
Xaaskii: gurigaan aniga iyo adi islama joogi karno.
Cabtooygii: Taasi waa Mushkiladeenna.
Xaaskii: Deriska anagey naga hadlooyaan.
Cabtooygii: Taasi Waa mushkiladooda, Ee Doofaaryahay dadka mushkiladohooda faraha ka qaad ayaga ha xaliyaanne Haddii kale…
Xaaskii: Hadii kale maxaa ka waddaa?
Cabtooygii: Sadexdaada aan Mushkilad kaaga dhigaaaaa……

Akhristaha kobciye.com sadaxda sheeko aan soo gudbinay xusuusnoow dhamaantood waa iska madadaalo ee adiga teebaa kugu qosol badneyd…..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply