fb

Haku Fududaan Guurka Adigoon Ka Fiirsan “Guurka Iyo Dhalinyarada Maanta”

Published: October 23, 2015, 8:48 pm

Inta badan Lamaanuhu waa kuwa si indho la’aan ah wax ujeclaada kuna dag daga guurkooda , waase waxa sababa Furiinka aan qiimaha ku fadhin ee Qoysaskeena qaribay.

Hadaba waxaa muhiim ah inaad Maankaaga weydiiso su’aalahan iyo kuwa kalaba waqtiga aad wada haasaaweysaan Wiilka/Gabadha si aad Noloshaada wehel ugu heshid een marba kaa dheeraan.

Weydii Maankaaga Dookha Lamaankaa, Ma tihiin kuwa ka siman Dookha , Xisaabi imisa wax ayaad ka simantihiin sida , Suuqgeynta, Banaan ubaxa, Qaraaba salaanka, Damaashaadka Dalxiiska,

Waxaa suura gal ah in wiilku uusan ka helin Qodobadaas iyo kuwa kalaba balse nafsadaadu gabareey ka hesho inaad mar walbo sameyso hadii aad ka weysana waxaa suura gal ah inaad Gurigaaga Cusub u aragtid mid mugdi ah waayo waxa aad ka fileeysay kama aadan helin

Weydii Maankaaga Hadafka Nolosha, Maskaxdaada kala tasho Waa maxay hadafka noloshaada aad ka leedahay iyo kan Lamaankaagu kaa leeyahay , waxaa suura gal ah in Lamaankaagu hadafkiisu yahay mid gaaban oo dan ah , adiguna aad sahal isku kala dhigeyso dantiina ay sahal ku dhamaato, waa waxa Sababa Furiinka Afka hore ah.

Weydii Maankaaga Su’aasha ugu danbeeysa ee Maqaalkaan Jaceylka lagu jecelyahay, Inkastoo dad badan ay aamineen Jaceylka maanta jiro inuu yahay mid aan waxba ka jirin hadana waa hubaal labo dhab isku jecel waa la helaa , Jaceylka lagu jecelyahay ma is weydiisay muxuu ku tiirsanyahay , Quruxdaada, Lacagtaada, Nasabkaaga,Geesinimadaada, Kartidaada, & Awoodaha uu Alle ku siiyey , Qiimeen ku sameey Astaamaha uu qofkaas kugu jeclaaday hadii ay yihiin kuwa yar oo sahal kusoo afjarmi kara ka tasho oo sii wad xariirkaas.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply