fb

Dhooftaye Dhigeegow, Ha Dhantaalin WaCadkii ‘ Qiso Xiiso Badan & Qalinkii WaaSuge’.

Published: October 25, 2015, 12:00 am

Salaamulaahi Caleykum Dhamaan Saaxiibada Qiimaha Badan Meel KaSta Oo Aad Dunida Ka Joogtaanba Waxaan Idin Wada Leeyahay Maalinimo WanaagSan Kuna Soo Dhawaada Barnaamijkeeni Todobaadlaha Ahaa Ee aad kala socoteen shabakada kobciyemedia.com ee  Qormo Gaaban & Qalinkii WaaSuge Hadii Rabbi Ka Ahaado Raalina Waxaan Duhurnimadan Ku Soo Qaadan Doonaa Hal Ku Dhigeena Ah Dhoofftaye Dhigeegow, Ha Dhantaalin WaCadkii . !!!

Waa hubaal in uusan diiwaankeenu u baahneen inaan ka baxiyo sharaxaad iyo qeexid sidaa usii weyn oo qof kasta oo soomaali ahi wuu ogsoon yahay doorka iyo kaalinta soomaalida aay kaga jiraan Dhoofka sidaa oawgeed waxaan si toos ah u daah furi doonaa qormada iyo waxa aay ku saabsan tahay Insha Allah.

Waa subax isniin ah magaalada muqdisho waxaa ka da,aya roob mayaay ah oo waxaa lagu jiraa waqtigii roobka, naf kastaahi waxa aay sanka la raaceeysaa neecoowda ugdoon ee laga dhaxlay roobka dadka qaar waaa ay hurdayaan maadaama baaga muudadu badan tahay dalkana aaysan ka jiran wax shaqo ah oo sidaa u badan, halka qaar kale aay ku dhax xamaalanayaan roobka, ardaydana waxa aay markaa xaadireen goobaha waxbarashada oo haatan ayaa loo wada xaroonayaa fasalada iyo adeegi macaliminta iyo ambaqadka darusta.

Laakiin Saaka Hodan Kama mid ahan ardeyda waxbarashada usoo xaadirtey oo muuqeeda oo qura ayaa dhax fadhiga fasalka e maankeedu waaa maqan yahay kaba soo qabo in aan ugu yeeri karno maqane jooge. Waa su,aal weydiin mudane maxaa hodan ka dhigey sidaa oo saaka baday habsaamida iyo waliba fakarka.

Xalay waxa aay wada joogeen wiilkii xariirka kala dhaxeeyey waxa uuna sheeko dheer kadib waqtigii kala tagitaanka u sheegey in uu doonayo inuu baxo una baqoolo dhankaa iyo Itoobiya si halkaas uu uga sii saan qaado,dhoofitaan ku aadan sidii uu ku tagi lahaa carigi ingiriiska,waxuuna hodan u sheegey in qudhiisaba uusan ku tala jirin safar waliba sida dag dagta ah laakin mar qura lagu war galiyey lona shegey u diyar garow.

Ka dhalin yaro ahaan Abuurkar arinkaa wuu ku farxay waayo waxuu ahaa mid hami guud kalahaa inuu mar uun tago qaarada yurub,in kastoo culeeys ku noqotay inuu ka faaruqo la joogitaanka waalid,walaalo,qaraabo, asxaab iyo waliba jaceylkiisi Hodan oo waqtigii marayey meel aan kala go,id laheen, laakin wax kasta waxaa ka weyn qadarta Alle Swt, waana in lakala hayaamo oo qofba meel kaligii ku hoydo iyo qaaradaha aduunka.

Hodan habeenkii ma aaysan ladin hurdada oo waxaa maskaxdeeda ka weynaaday waa hadalkii abuukar uu caawa ku idhi hadba meel ayeey u jeesataa ilaa foogta,kadibna waxaa loo kacay salaadii subax dabadeena hodan shaqo iyo isku diyaarin iskuul beey sii daba qabatay ilaa haatan oo aay dhax fadhiso fasalka dhaxdiisa

Fakar iyo hoos fiiris badan kadan waxaa hal mar maskaxdeeda ka heshey in aay waraaqdan u qorta abuukar ayadoo markaa uga hadleeysey dareenkeeda iyo saameynta uu ku yeeshay safarka deg deg ah ee laso darsey lamaanaheeda, laakin uma suura galin in isla goobtii aay ku qorto dhanbaalka ee waayo ardayda oo ku badna waxa aay markiiba codsatay fasax iyo in aay maanta yara xanuunsan tahay isla markiiba waa loo aqbalay oo wey soo baxdey soona abaartay xaafada ayado horey usoo iibsatay warqad iyo bashqad baahideeda daboola.

Waa xili barqanimo oo xaafada dadku ku yaraa marka laga reebo abaayo aniso oo maalintaa shaqada guriga laheed,Hodan waxa aay abaartay qolkeedi jiifka ayadoo albaabka inta xiratay usoo shaah shubatay qorida dhanbaalkii, waxa aayno ku ibo furtay fariin qoraaleedkeeda sida tan ee kobogso wacan Saaxib Insha Allah.

From: Hodan: Naf JaCeylku SahanSadey
To: Abuukar: Furahii NafteeyDoow 

ASC/WR/WB: Hano Salaan mida ugu muga iyo magaca weyn uguna qaalisan inta la isku salaamo uguna qiima badan salaama koonka ka jira,waxa aay wadaa sixa caafimaad oo aay sadaal u tahay inaad ku waarto samo iyo waliba saafi nolol ah, waana salaam aanan ebed laga daalin adeegsigeeda dhalaan iyo ciroolaba ka dhaxeeysa,waa salaam rabbi u siiyey dadkii raacay amaradiisa waana salaam kulmisa kumaan kala midab ah laakin ku midoobey ,Qowlka Alle Iyo Suubanaheeni Maxamed SCW Had iyo jeerna u ah sahay jogta ah.

Salaan dabadeed aboowe macaane waan ogsoonahay in waqti iyo qadarta Alle Swt wax kasta ku dhacayaan waana hubaa inaadan ku faraxsaneen kalatageena waana kugula kalsoonahay inaadan u sacaba tumeyn lakin wax kasta waxaa ka weynaadey waa Amarka Alle oo maanta ina kala wadaayo ,laakin waxaa jeclaaday in aan hadiyad kaaga dhigo fariin qoraalkeedkan kaaso oo aan filayo in aad mar kasta iyo meel kasta oo aad joogto igu soo xasuusan doonto mar kasa oo aad aqristana aad dheehan dotnto qiimiga jaeylka dhabta ah leeyahay.

Waxaan ahay naf kuu jecel Alle dartii waxan ahay naf adiga aad u tahay hogaan waxaana ahay ruux aad u tahay barre iyo bar baariye aduun,waxaan ahay qof kuu huri karta nafteeda waxaana ahay shaqsi aad la dhalan rigtey jaceyl ugub ah, waxaana jacelahay inaan heli doono intifaaca iyo wax soo saarka xariikeena.

Waxaan kugu soo dhaweynayaa qurbaha oo aad haatan ku cusub tahay waxaana si niyad ah kaaga horeya meel kasta oo aad jaanta dhgto waxaana had iyo jeer kugu ahay labo, xaq baad ii yeelatay anigana waxaan doonayaa inaan dhaxal kuu yeesho gacaliye, miyaad ka hari karaa walaalkeyga soomaaliyeedoow,miyaan kaa xiisa dhigin doonaa hadalkaada iyo muuqaalkaada, miyaan dhuuni la wadaagi karaa naf kale Waa Maya. !!

Qurbo waa qaarad aadan u dhalan,Qoys aadan ku laheyn,Qaraabo kuu joogin, qiilna aadan u helli karin wax kasta oo kaaga maqan adiga, waa howd iyo keymo aadan ogaan Karin wax dhaxdeeda ku nool waana abaar aadan ogaan Karin goorta uu roob imaan doono, waana kalinimo sidii qof madi ah meel qura joogo. Noqo shaqsi ku waana qaata erayadaan,ku dadaal salaadaha iyo waliba cibaadada, haku mashquulin dad aadan diin iyo dhaqan wadaag aheyn, hana ugu dhaga nuglaanin iney wax ku dhibaan, ha kaso yeerto warsan iyo weedhsan,ogoow in aad ku tahay marti yeeysan maankaadi galin waa meel aadan dhiig ku laheyne.!!

Haku fakarin inaan kala maqanahay ha is odhan waad kala hayaamteen,hana ku fakarin waxaa idiin dhax yaalo,idiina dhaxeeyo buuro iyo bad, ku qanac mar kasta go,aanka Alle iyo goortu uu inoo hiiliyo aboow.

Hadii aay dhacdo inuu dhamaadi calafku haka xumaanin hase yeesho tub loo raaco yaanan kala qarsin waxi aan bari qarsoomi karin, waxaan kaa codsanayaa in aanan sirtaada qof kale iiga sheekeyn ama iisheegin.

Dhooftaye Dhigeeygow, Ha Dhantaalin WaCadkii, Intaas Ayaan Ku Soo Koobayaa Qoraalkeyga Asc.

Milkiilaha Qisada: Hodan Naf JaCeylku Sahan Sadey
Qalinka: Ismail Abdi Aden ‘WaaSuge’
Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply