fb

Daraasad: Cunista Xanjada Badan Oo La Xaqiijiyay In Cayil Laga Qaado.

Published: October 24, 2015, 2:15 pm

Qubaro ka tirsan Jaamacadda Ohio State University ee dalka Maraykanka Cilmi baadhis cusub sameeyeen ku yaa iftiimisay in calashiga xanjadu sababo buurni xad-dhaaf ah.

Saynisyahannadi waxay sheegeen in qofka aad u caalshada xanjada uu cuno cunto aad u badan oo culus, isla markaana macaanku ku badan yahay, kadibna miisaanka jidhkiisu xoog u kordho, iyagoo arrintaa ku sababeeyey walxaha kiimikada ah ee ku jira xanjada oo dadka jecelaysiiya quudashada cuntooyinka macaan, gaar ahaan khudaarta.iyo kuwa aadka ugu badanyihiin protinka,

Qabiir Mr. Christine Swoboda ka mid ah soo saarayaasha daraasaddan, ayaa wargeyska Livescience u sheegay I Daawada lagu cadayo ilkuhu waxay sababaan in qofku u baahdo sharaab, gaar ahaan liin qasan, taasina waxay keentaa in qofkaas miisaan badan ku kordho, sidaa darteed waxaannu ogaanay in kiimikada xanjadada ku jirtaa walxa qofka gaajo u keento islamrakaane uu rashiin badani cunayo,

Hadaba Inta aan la qaadin Ka hortii tijaabada cilmi-baadhistan, kala badh dadka dadka ka qaybgalay daraasaddu waxay cunayeen xanjo ka samaysan khudrad iyo kiikimo kale, waxana la ogaaday dadka isticmaalay xanjada kiimikadu ku badan tahay ay aad u gaajoodeen, marka loo eego kuwa iyagu cunay xanjooyinka khudaarta ka samaysan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply