fb

Daawo Muuqaal Fanaanada Soomaaliyeed ee Farxiyo Kabayare oo City Palace Hotel Ku Tiri Siil Palace Hotel!

Published: October 18, 2015, 7:20 pm

Fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah ee lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cabdulle ( Farxiyo Kabayare )ayaa waxay shaacisay in laga hor istaagay bandhig faneed ay dhawaantaan damacsanayd ay ku qabato magaalada Muqdisho

Fanaanada Farxiyo Maxamed Cabdulle ( Farxiyo Kabayare ) ayaa waxay sheegtay in bandhig Faneed ay damcsaneyd inay ka dhigto magaalada Muqdisho sanadka cusub uu is hortaag ku sameeyey arintaas nin ay wakiil uga dhigatey inuu arinkaas ka caawiyo, Fanaanada Farxiyo Kabayare ayaa waxay sheegtay inuu ninkaas sidoo kale uu is hortaagay in mudooyinka soo socda oo dhan ay wax bandhig faneed ay ka qabato magaalada Muqdisho, Ninkaan ayaa waxay sheegtay fanaanadu inuu asaga la wareegay hoteelka City Palace kaas oo ah halka lagu dhigo bandhig faneedyada asagoona ka mamnuucay fanaanada inay halkaas ku qabato wax bandhig faneed ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo Fanaanada Farxiyo Kabayare ay cabasho ka muujisay hab dhaqanka ninkaas ayaa waxaa kale oo ay fanaanadu ay sheegtay inuu ninkaas uu badelkeeda uu balansaday Fanaaniin ay ka mid yihiin Xasan Adan Samatar iyo fanaanka Cabdulqaadir Jubba arintaas oo ay ku tilmaantey fanaanadu wax lala yaabo, Fanaanada Farxiyo Kabayare ayaa arinkaas waxay uga cudur daaratey taageerayaasheeda magaalada Muqdisho oo ay horey ugu balan qaaday inay sanadka Cusub si wadajir ah u ciidi doonaan oo ay u soo dhaweyn doonaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Daawo Muuqaal Fanaanada Soomaaliyeed ee Farxiyo Kabayare oo City Palace Hotel Ku Tiri Siil Palace Hotel!

  1. zakia says:

    Asc walashay plz khayr bay kuutahay alaah kaamadoobeeyo heesaha

Leave a Reply