fb

Barnaamijka Kobci Maskaxdaada Iyo Qodobada Albaabka Nolosha Aadanaha.

Published: October 20, 2015, 2:05 pm

Waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha badnaa ee aad nooga barateen ee KOBCI MASKAXDAADA waa barnaamij aan ugu talo galnay inaan sara ugu qaadno maskaxda dhalinta ku xrian shabakada kobciye.com.

Hadaba maanta ka faaideyso xikmadahaan qaaliga ah ee aanu kuusoo xulnay adigoo jumlo walbaa si fudud ugu faaideysanayo waxaana usoo qornay si fudud si qofkastaaaba uu u fahmi karo haduu EEBE idmo..

Waayuhu, wuxuu xambaarsan yahay markasta xal cusub oo ka mid ah dhibaatooyinka nolosha waxa se muhiim ah in lala yimaado dulqaad iyo kalsooni.

Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.

Sidoo kale, waxa muhiim ah in aad u fiirsatid abuurista kala duwan ee Illaahay. Waayo, waxay xoojiyaan, dareemaha dhinaca iimaanka oo markasta qofka Iimaankiisu kordho waxa uu yareeyaa dhibaatooyinka iyo murugada nolosha la mataanaha ah.

Sida qof kasta, oo ay u saameeyaan, kuwa la noolna way saamaynaysaa, haddaad tahay qof la saaxiib ah dhoolo caddaynta iyo farxadda. Shaki kuma jiro inaad u gudbinaysid dadka kale farxad iyo dhoolo caddayn.

isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay, iskana ilaali aargoosiga.

Iska ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku dhaca qalbiga.

Iska ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay tashuush kugu furan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Barnaamijka Kobci Maskaxdaada Iyo Qodobada Albaabka Nolosha Aadanaha.

Leave a Reply