fb

“Axdigii DugSiga Sare Iyo Abaabulkii Guurka” QiSada IsbuuCa Iyo Qalinkii WaaSuge”

Published: October 22, 2015, 7:00 pm

Waa goor hore oo aroor ah cirku saakay waxuu iila muuqdaa irmaan saadaasha kooban ee aadmigu waxa aay tilmaamaysaa inuu roob imaan doono hadii Allaha awooda  sare leh ka rumeeyo aragtideyda waa subax aan la soo kacay farxad iyo rayn rayn, kadib dukashada salaada subax waxaan fadhiistay irida hore ii guriga, si aan halka uga abaaro howlo fara badan oo maanta isugayo inaan qabto Alle Swt ha ii fudeed yeelo aamin.

Saciido Iyo Cali: Waxa aay isku barteen dugsiga dhaxe ayagoo isla gaadhay dugsiga sare ugu danbeyntiina isla qalin jabiyey hal maalina isla wada qaatay shahaadada, bilowgii barashadooda waxaa ka dhaxeeyey xariir walaaltinimo balse goor danbe isu badalay ‘JaCeyl’ aad ayeey iskugu wanaagsanaayeen midba midka kale ayuu waagii baryaba daawan jirey marna garab fadhin jirey, waa hubaal in aay hanteen xariir tayo wanaagsan.

Markii la dhameeyey waxbarashadii dugsiga sare Cali waxa uu anba qaaday sare u qaadida aqoontiisa waxa uuna u sahan tagay mid ka mid ah jaamacada dhaca qaarada Africa gaar ahaan dalka sudaan, ka hor inta uusan ka tagin dalkii hooyo waxa aay kulan xasuus mudan wada qaateen saaxiibtiisa saciido kaas oo aay ku falanQayn lahaayeen qaabkii loo wajahi lahaa marxalada adage e soo kala dhax gashay loogana tashan lahaa.

Dhan kasta markii laga lafo gurey cali iyo saciido waxa aay isla jaan gooyeen wacad midba midka kale uu dhaxda kaga guntey kaaso mira dhalkiisu ahaa isu soo noqoshada danbe iyo marii Cali soo dhameeysto jaamacada hadii Alle Idmo, ugu danbeyntiina sidaas ayaa lagu wada faataxaystay oo calina safarkiisii galay.

Mudadii aay kala maqnaayeen cali iyo saciida waxa dhaxdooda ahaadey iska warQab guud iyo mid gaaba waxa aayna wada xisaabinayeen sanadaha biloowga ah ee loo wada hanwaynaa dhamaashadooda, maalin kasta iyo mar walba waxaa lagu jiray is dhiira galin iyo isu dhoolo cadayn qofba kale kale ayuu hubaal u xiiso qabay aragtidiisa, kaftan aan dhamaad lahayn ayaa gogol dhig u ahaa kulankooda iyo saaxiibtinimo joogtaa.

Aqristoow mudada uu cali dalka dibada kaga maqnaan doono hadii Alle idmo isu gayn waxa aay noqotay 7sano taas oo aan filaayo inuu culeeskeeda garan karo qof kasta oo inaga mid ah ama usoo joogey kaaga sii darane waxaa loo xisaabinayaa maalin kasta hadmeey dhamaan doontaa, balse soomaalidu waxa aay horey ugu maah maahdey ‘Wax La Tiriyo Taag Yar’ balaan u kuuro galno natiijada kasoo baxi doonto labadooda.

Waxa aan ogsoonahay in badan oo inaga mid ah aay balama galayn hadii aay ahaan laheed wiilasha ama gabadhaha, in kastoo lagu kala duwan yahay marxaladaha,sanadaha iyo waliba waayaha oo aay hareer marayaan waqtigu, hadana waxaan badan sida ii muuqata inta ku hungoowdey wacadkii ee aan meel marin.

Saciido iyo Cali: Waxa aay ahaayeen ‘Laba aan is hurin hadana aan is hayn balse saadaashu waa guur sabarkuna u wada furane waxa aay ka dhabeeyeen balantii oo midba midka kale daacad buu u ahaa inta uu awoodo, waxaana taas kasii wanaagsaneed in aaminaada iyo kalsoonida ka dhaxeysaahi aad u fara badneed taasina waxa aay suura gal ka dhigtaa inuu xoogeysto xariirka labada qof ka dhaxeeya nuuc kasta ha noqdee.

‘Dadna Ruux Ku Aaminay Iyo WaCad Illaahey Midna Lama Iloobee, Ha Haleeynin Aayaha: saacadu waxa aay subax badan socoto, waqtiguna hadaafo waayahuna abaar iyo aaranba keenaan waxaa la soo gaarey gaba gabadii kala maqnaashada cali waxuu ugu danbtii gacanta ku dhigey shahaadadii jaamacada hamigiisii Rabbi wuu ka run yeeley waxuuna soo abaarey dalkii hooyo si uu markaan u meel mariyo wacadkii laka dhaxeeyey saciida, maalin caafimaad qabta ayuu dalka dib ugu soo laabtay waxaa soo dhaweeyey qoyskiisa iyo saciido.

Ugu danbeyntiina halkaa waxaa laga saan qaaday abaabulkii guurkooda iyo aayatiinkii noloshooda iyo waliba aas aasida mustaqbalkooda, saciida waxa aay u aheed maalin farxad badan wajigeedu waxuu lahaa hilaac cali sidoo kale aad buu maalinkaa u faraxsan yahay, waxaan idin wada leeyahay guuleysat waligiin.

Aad baan ula dhacay qisadaan waxaan uga mahad celinayaa Cali oo isoo gaarsiiyey dhaxalkeedane leh iyo waliba saciida oo garab taagan waxaan mar kasta idinla jecelahay guusha iyo guri xalaala oo lagu nagaado.

Aqriste adiga hal iyo laba waxaad ka dhihi laheed hadii aay ahaan laheed duco ama dardaaran soo dhawaw.

Qalinkii waasuge isbuucaan intaas ayaan ku soo gaba gabaynayaa inta aan dib u kulmi doono macsalaama.

Dhaxalka: Cali & SaCiida

Qalinka: Ismail Abdi Aden WaaSuge

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply