Xusuuso oo Wax Badan Ka Ogoow Ducadii Nabi Muxammad CSW Ku Dhaartay In Laga Aqbalayo Muumin Kasta Oo Ku Ducaysta.

13

Ducadani waa ducaduu Nabigeenu nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku dhaartay in aanuu qof Mu’min ahi ku ducaysan ducadan hadii uu ku ducaystayna Allah tabaraka wa tacaalaa waxa uu ka dul qaaday wixuu ka cabanayay.

Walaalahayga muslimiinta ahow ducadan qayba oo ku ducaysta uguna duceeya cid kaste oo aad jeceshihiinm. Waayo tiro ma laha inta qof ee Allah uu dhibkii haystay ka dul qaaday kadib amrkii ay ku ducaysteen ducdan qiimaha badan, kadibna u furay Albaabbada naxariista.

Fadliga Allah kadibna fadliga ay leedahay ducadan qiimaha badani ayaa nabigeenii Muxammad ahaa nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi xadiis macnihiisa oo koobani yahay: Waxaan ku dhaartay kay nataydu gacantiisa ku jirtee, qof iimaan laga helay kuma ducaysan ducadan, hadii uu ku ducaystayna Allah waa ka dul qaaday wixii uu ka cabanayay, waxa yidhi ducadan nabi Yunus nabad galyo korkiisa ha ahaatee markii uu ku dhex jiray caloosha nibiriga, Kadibna Allah tabaarkaa wa tacaalaa waxa uu kitaabkiisa ku yidhi: Waanu Ka Aqbalnay Waxaanaanu Ka Badbaadinay Madawgii , Sidaas Aayaanu Kuwa Iimaanka Laga Helay U Badbaadinaa.))

Ducadan ayaaa ah mid uu ku ducaysan karo qof kaste oo Iimaan laga helay. Ma rabtaa xoolo? Ma rabtaa guur? Ma rabtaa in lagaa suuliyo dhibka iyo culayska ku saran? Ma rabtaa in lagaa dul qaado xanuunka ku haya? Ma rabtaa inaad shaqo heshid? Ma rabtaa inaad liibaantid aduun iyo aakhiroba? Fadlan ducadan qiimaha badan ku ducayso gaar ahaan marka habeenka 3 meelood laba meelood tagaan.

Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro adiga mooyaane, Subxanaka waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah.

Ha nagala bakhaylina inaad noosoo ducaysaan anagana.. Lana wadaag asaxaabtaada iyo dadka aad jeceshay liibaantooda inagoo ka faaidaysanayna 10 bisha Dilxijja.

13 COMMENTS

  1. As dhaman bahda kobciye wan idinkaga mahad celinaya sida wanaagsan e ad bulshada somaliyed ugu so bandhigtan wax yaabaha wanagsn teda kale ducada waxn jeclan laha in ad carabi kuso qortan si an u xifdino wa codsi thanks

  2. Ilah ha idinka ajar siyo dhamantina ilah idinki anga iyo inti maqashaykuwa ku camal falo ilah hanaga dhigo amiiin amiin amiin

  3. Mashaa alaah waa duco qaali ah ilahayow inta Muslim ah una xariso kaar ahaan soomali dhibta kaqaad

  4. Walalayaal qofkii cabariga yaqaan afsomali ahaan haygu qoro si aan u akhriyo

    Mahadsanidin.

    Jaamac

  5. Ilaahay ajar iyo xasanaad ha inika siiyo saad noo xasuusineena ilaahay ha inii xasuusnaado
    Wax wanaagsan baad noo sheegteene wax wanaagsan allaha idiin sheego aamiin

  6. walala jamac waatan ducada oo afsoomaali ah (laa illaha illaa anta subxaanaka inii kuntu mina thaalimiin)

  7. alle miisnka xasaanka ha nii saaro maal aan maant aheen aad ug bahi badan taihii walalah sharfta leh

Leave a Reply