fb

Xikmado iyo Odhaahyo Qaali Ah Oo Qofka Bini’aadamka Ahi Quluubtiisa Ku Reebayo Xasuuso Lama Iloobaan Ah..!!

Published: May 3, 2015, 7:40 pm

Shabakada kobciyemedia.com waxaad kaga barateen iney idin soo gudbiso waxyaabo muhiim ah oo aad ka faa’idi karto sidaa awgeed anigoo ah KaLaFoGe waxaan maanta idiin soo gudbinayaa dhowr jumladood oo dhamaantood ka turjumayo nolosha bini’aadamka ka bogasho wacan.

Qofka caaqilka ah nolosha riyo ayey u tahay, qofka doqonka ahi waxey u tahay cayaar, Kan taajirka waxey u tahay madadaalo, midka faqiirka ahina waxey u tahay musiibo iyo cibro qaadasho.

Qofka bini’aadamka ahi maalmaha xusuus kuma reebaan ee daqiiqadaha wakhtiga ayaa saameyn ku reebo.

Nolosha aanu noolnahay waa natiijada imtixaanka aanu aakhiro ku muteysan laheyn JANNO AMA NAAR

Noloshu maahan waxa aan haaysano ee nolosha dhabta ahi waa adigoo haaysto ruux ilmadaada aay murug u tahay farxadaaduna aay farxad u tahay.

Noloshaada carruurnimo hadii aadan u dhaqmin sida xoolaha oo kale markii aad weeynaato heli meeysid xasuus markaad xasuusato kaa qoslin karto.

Wakhtiga wanaagsan waa wakhti xasuus reebo, wakhtiga xuna waa wakhti aad ka baran karto casharo lama iloobaan ah sidaa awgeed wakhti fiican iyo mid xunba wixii aad la kulanto dheh ALXAMDULILLAAH

Cidna noloshaada oo idil ha raacin intaad aduunka joogto, xattaa hooskaagu wuu kaa tagayaa xiliyada aad ku sugan tahay mugdiga.

Ha Jeclaan waxaadan aamini Karin, ha nicin waxaadan heli Karin, haku hadlin waxaadan sameyn Karin, Ha balan qaadin waxaadan awoodin fulintooda, hana xukmin waxaadan ogeyn.

Ugu danbeyn waxaan idin kaga tagayaa akhristayaasha kobciyemedia.com ‘Fiiri naftaada oo is weeydii maku kalsoontahay nolosha aad ku nooshahay’.

W/Q Ibrahim Ali Abdi ‘KaLaFoGe’.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply