fb

Wax Badan Ka Baro Dulqaadkii Rasuulka SCW Iskuna Day Inaad Adiguna Sidaa Dulqaad U Yeelato.

Published: May 8, 2015, 2:03 pm

DULQAADKII RASUULKA CSW.

Rasuulka CSW, ma yareen inta uu dhibaato kala soo kulmay Noloshiisa, intaasna ma laheyn mid Dhaawacday Qalbigiisa, bal ila arag:-

1- Wuxuu ku soo koray Aabe iyo Hooyo la’aan (Agoon iyo Rajo).

2- Waxaa wada Dhinteen Dhammaan Caruurtiisa, Faaduma mooyee.

3- Wuxuu waayey Xaaskiisa middii uu ugu jeclaa Qalbi ahaan.

4- Waxaa Dhinteen Ehel iyo Qaraabo intii dadka ugu soo Sokeysay, sida: Xamza, Jacfar iyo Adeerkiisa Abii Daalib.

5- Noloshiisa oo dhan wuxuu ku Mashquulsanaa Waxtarka Muslimiinta, Ugar-gaarka Fuqurada iyo Bad-Baadinta Islaamka iyo Jihaadyadii Xaqa ahaa ee uu kula jiray Gaalada.

Haddaba, Rasuulka CSW, isagoo uu la soo kulmay intaas Marxaladood oo Dhibaato ah. Haddana Isagoo Dhoola Cadeeynaayo maahee weli lama Arag isagoo wejigiisa ay Murugo ka muuqato. (ilaahoow naga yeel kuwii Rasuulka u Shafeeca Maalinta Qiyaamo).

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW NOO DEMBI DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

4 Comments : Wax Badan Ka Baro Dulqaadkii Rasuulka SCW Iskuna Day Inaad Adiguna Sidaa Dulqaad U Yeelato.

  1. amiin amiin amiiin yaa rabi allahuma taqabal

  2. Fodcade says:

    Amen ya RABBI

  3. Khadarcali says:

    Aamiin yaa rabi

Leave a Reply