fb

Sidee Dhibka Dadka looga Bad-baadi karaa? Akhriso oo Ka Faa’ideyso Sadax Qodob Oo Arinkaasi Kuu Fududeynayo..

Published: May 14, 2015, 12:53 am

SEE LOOGA BADBAADAA DHIBKA DADKA?

Imaam Axmed Ibnu Xambal ayaa wuxuu weydiiyey Xaatim Al-Asam sidee Dhibka Dadka looga Bad-baadi karaa?,

Xaatim oo ka mid ahaa Dadka Fara ku tiriska ah ee looga Dambeeyo hadalada Xikmadeysan ayaa yiri:- Haddii aad dooneysid inaad Dadka ka Bad-baadid samee Talooyinkaan:-

1- Maalkaaga wax ka sii, Maalkoodana Faraha uga qaad.

2- Wey ku Dhibaayaan, Adigana ha Dhibin.

3- Wax kastooy kaaga Baahdaan u qabo, Adigana haku Kalifin waxaad u Baahatid iney kuu sameeyaan.

Haddaba, intaas ka dib Imaam Axmed ayaa yiri:- Xaatimoow Arrintaas wey Adag tahay. Xaatimna wuxuu yiri:- Imaam Axmedoow haddeey Arrintaasi Adag tahay, marna ha Sugin inaad ka Bad-baadid Ibni’aadan iyo Dhibkooda.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW SHARTA NAGA QABO).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply