fb

Sheeko Xiiso Badan:- Xuseen Maxaa Qabsaday Xilliguu Ku Xayirmay Roobkii Aan Kala go’a Laheyn Maxana Dhex Maray Asaga Iyo Bahalku Arkay.

Published: May 10, 2015, 12:00 am

Ma ka bixi lahayd?

Xilligu waa habeen, abbaarihii 9;30 pm, Magaaladana waxaa ka da,ayo roob aad u xoog badan, duufaanta roobka la socotana waxay jartay ama goysay qaar ka mid ah fiilooyinka korontada isku gudbinayay, maanso ka kacday sulluugtaas jarmatay awgeedna waxaa loo damiyay Matoorkii magaalada layrka iyo iftiinka siinayay, meel kasto waxaa qubmayo biyihii magaalada ku hooray, Mugdi qam ah ayeey magaaladii isu rogtay, Gudcurka jirana waa mid isha haddii farta lagaa galinayo aadan dareemayn.

Xuseen oo magaalada hoose ku sugnaa waxaa dhib ku noqotay inuu sugo inta uu roobka ka qayoonaya waayo haddii uu sidaas yeelo waxaa si sahal ah u buuxsamayo togga qodan ee kala bara magaalada iyo xaafadiisa, waxuuna is yiri, ka gaar inta uu waadiga buux dhaafin, waxuuna u soo liicay inuu xaafadiisii maxaase qabsaday?

Xuseen si aayar ah ayuu u taaks taaksanayaaa, waxuuna ka talaabsan la,yahay gudcurka jiro awgiis iyo biyaha meel kastaba waran, BILIGTA hillaaca ayuunbuu wax ku arkaa markaas qura ayuuna talaabada horey u qaadaa markuu dam yiraahdana waxaa baxo iftiinkii oo halkiisa ayuu digtoonow ku galaa, xuseen ma hilmaamsana dhibaatada uu killiga ama waadiga leeyahay haddii uu ka hor buuxsamo haddana ma aha mid iskiis isku xukumo oo waxaa ey talaabadiisa ku ku xirantahay bililigta hilaaca,

Isagoo digtoonidiisii ku jiro ayuu cirkii hilaaciisii soo tufay waa fursadii uu sugayee hal mar buu hortiisa eegay si uu u talaabsado, balse waxuu ishas ku dhufatay wax nool oo u jiro wax hal taako ka yar iskuna gadaamay wadadii uu marayay, waxuuba ku sigtay inuu ku dul dhaco haddii uusan dib isku qabanin, waxu waa wax aad dhurwaa moodo kana yara buuran, iftiinkii hillaaca oo sakanada wax u ifinayayna wuu is jaray, waxas uu xuseen arkay waa wax uu ku qiyaasay dhurwaa walow uusan isha si fiican uga buuxsan helina waayay fursad uu ku xaqiijiyo

Xuseen bartiisii kama dhaqaaqin waxuuna sugayaa iftiinka hilaaca sida is daba jooga ah u bidhaamayo qalbigiisana ma aha mid fadhiyo wax hub ahna waxuu ka sitaa dhagax uu hadaawtay ku turaanturooday oo uu horey faraha ugu soo dhigay.

La soco qaybta danbe iyo kobciyemedia.com

W/Q Abwaan Saciid Muuse


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply