fb

Qiso Xanuun Badan: Xaqiraadda Aay Maskaxda Dunida Saddexaad Ku Qabto Madaxda Jahliga Ee Hoggaamisa Iyo U Quudhi Waaga Reer Galbeedka..!!

Published: May 11, 2015, 12:54 am

Dr. Xamiid Khalaf Al-Cukayli waa xeel-dheere Ciraaqi ah oo shahaadada ugu sarraysa u haysta cilmiga sayniska, waaxdiisa Kimisteriga, gaar ahaan qaybtiisa afka qalaad lagu yidhaahdo, Nuclear Chemistry ee la xidhiidha cilmiga fallaadhaha radioactive ka iyo guud ahaan geeddi-socodka farsamo ee sancaynta Nukliyeerka.

Waxa uu macallin ka soo noqday jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska oo uu ka gaadhay darajada Bare-sare (Professor), kadib waxa uu ku soo noqday dalkiisa hooyo, ee Ciraaq xilligii uu ka talinayey nidaamkii Saddaam Xuseen, si uu uga qayb qaato hayaankii tiknoolajiyadda ee markaas tisqaaday.

Dr, Xamiid Khalaf in uu ka tago dunida reer galbeeda oo uu cilmigiisa dib ugula noqdo dalkiisii dunida saddexaad ahaa waa arrin liqideedu ay ku adag tahay culimada iyo madaxda siyaasadda dunida saddexaad.

Markiiba Xamiid waxaa la soo xidhiidhay wakaaladda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA waxa aanay u soo bandhigtay in uu la shaqeeyo oo ka mid noqdo khubarada haayaddan dhinaca sayniska aadka looga dambeeyo.

Dr. Xamiid Khalaf arrintaas waa uu ka gaws adaygay waxa aanu u sheegay in uu doonayo in uu dalkiisa u shaqeeyo wax kasta oo uu ku helayo. Nasiib darro, haddii uu isagu islahaa celi abaalka dalkaagu kugu leeyahay oo ay ka mid tahay in dawladdu ay bixinaysay waxbarashada ardayda illaa heer jaamacadeed ee xilligaa, iyo in uu yahay dalkiisii hooyo ee abaalka ku lahaa, waxaa timid arrin yaab leh oo aanaya dad badan fileen.

Maamulkii Ciraaq ee xilligaas ayaa cadaadis lagu saaray in ninkaas ay ku qanciyaan in uu NASA la shaqeeyo, haddii kale shaqo ka qabtaan, markii Xamiid Khalaf xukuumaddii Ciraaq ka codsatay in uu aqbalo dalabka NASA ee ah in uu la shaqeeyo, waa uu diiday, sidaa awgeed waxa ay xukuumaddii xilligaasi ku abaal marisay xabsi, la aaminsan yahay in uu ciqaab badan oo jidheed iyo mid nafsi ah ku soo maray, haddii aanay wax kalaba u dheerayn.

Aakhirkii Dr. Xamiid Khalaf waxaa xabsiga laga soo daayey isaga oo maskax ahaan u waashay, cidina waxba uma qaban ee shaaraca ayaana lagu sii daayey. Jacaylka uu dalkiisa u qabo ayaa ku diray maamulka dalkiisa ee abaalka ama danaha kale u dhaafsaday in uu la shaqeeyo haayad shisheeye, waana mid laga filan karo hoggaamiyeyaal badan oo ku dhaqan waxa ay dunida saddexaad ugu yeedhaan.

Professor Dr. Xamiid Khalaf, isaga oo diif badani ka muuqato, ku labbisan dhar hun ah oo aan cawradiisa wada qarin karin, daryeel la’aan caafimaad iyo gaajo badani ka muuqato inta badanna kaba la’ ayaa uu derbiyada fadhiistaa, laakiin haddana weli maskaxdiisu ma’ay dhiman oo ardayda iyo barayaasha jaamacadaha Ciraaq ee yaqaannay ninka uu yahay, inta ay soo raadsadaan oo hadba gidaar ku qabtaan ayaa ay ka dalbadaan in uu ka caawiyo xallinta masalooyinka Kimisteriga iyo guud ahaan sayniska ah eek u adkaada, taas oo uu si fudud uga gacan qabto, sida ruux aan waxba ka qabin maskaxda.

Muddooyinkii u dambeeyey rayulcaamka dalka Ciraaq waxaa ku jiray doodo iyo hadallo illaa golaha baarlamanka dhexdiisa gaadhay oo lagu dalbanayo in maskaxdan dalka la badbaadiyo oo laga shaqeeyo sidii dhakhtarro takhasus ah loogu raadin lahaa, iyo in dhakhtarka ka horba ninka la qabto oo meel lagu daryeelo la geeyo, laakiin dalkaas oo xaaladihiisa siyaasadeed ay aad u xumaadeen intii ka dambeysay dhicisitii Saddaam Xuseen, ayaanay xukuumaddiisu illaa hadda dhawaaqaas dhiillada leh dheg u dhigin.

Waxaa la aaminsan yahay in boqol ka mid ah culimada sayniska dalka Ciraaq, kuwoodii heer caalami ahaa ee dunida cilmiga oo dhan laga yaqaannay , korontada, Nukliyeerka, Tamarta iwm, ay hadda ku nool yihiin xaalad aad uga hoosaysa khadka faqriga, oo warwar ka haysto in ay nolol maalmeedkooda helaan, kadib markii ay faraha kala baxday xukuumaddoodii Ciraaq, ee ay cabsi dalkooda uga yaaceen, waxaa jira kuwo badan oo nolosha dibjirka doorbiday oo ku nool dalalka deriska, waxaa la yaqaannaa kuwo suuqyada Cammaan ku iibiya malabka iyo caanaha si ay nolol malameedkooda u helaan.

Mid ka mid ah tusaalayaasha inoo muujinaya sida ay u dayacan yihiiin aqoonyahanka iyo indheer-garadka inta badan ee dalalka dunida saddexaad lagu sheego oo xoogga iyo jahligu uu awoodda iyo hoggaanka siyaasadda hayo, aqoonyahankuna derbiyada fadhiyo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply