fb

Qiso Cajiib Ah Subxaanallaah:- Maxaa Qabsaday Ninkii Is Kor Taagay Qabri Uu Ku Arkay Dhacdo Mucjiso Ku Noqotay..!!

Published: May 10, 2015, 10:31 am

Xasan Al-basri ayaa wuxuu istaagay Qabri Dushiisa, ka dib wuxuu eegay Qabriga dhinaciisa, wuxuuna ku arkay Nin Qabriga dhinaciisa taagan, kolkaas ayuu Xasan Al-basri, wuxuu ku yiri Ninkii:- Muxuu Sameen lahaa Qofkaan dhintay ee Qabriga ku jira, haddii Nafta lagu soo celin lahaa?.

Ninkii ayaa ku jawaabay oo yiri:- wuxuu badin lahaa Istaqfaarta, Salaaddana wuu tukan lahaa, Allaahna wuu u Towba keeni lahaa.

Haddaba, intaas ka dib Xasan Al-basri ayaa Ninkii wuxuu ku yiri:- Ninkaan wuuba Dhintay oo Fursadaasi wey Dhaaftay, ee Adigana inteysan ku dhaafin Fursadaas oo ay Nafta kugu jirto Allaah SW, u Towba keen oo Weydiiso Cafis, ileen Adduunka waad ka tegi doontaa.

Haddaba, walaalayaal waan Aragnaa Adduunyada ineysan Qiimo ku fadhin oo laga wada tegaayo Fadlan aan ku Dadaalno sidii aan u Raaligelin laheen Allaah SW, (Eeboow naga yeel kuwii aad Raali ka tahay, oo aad Dembigooda Cafisay).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply