fb

Qiso Cajiib Ah Oo Aad iyo Aad Kaaga Yaabin Doonto Xikmada Ku Qarsoon iyo wixii Dhex Maray Dhaqtarkii Iyo Marwadii Xaaska Aheyd..!

Published: May 1, 2015, 12:00 am

Haweeneey ayaa u timid Dhaqtar, iyadoo ka Wel-welsan dabeecadda Ninkeeda oo aad u xumaatay, haddaba Dhaqtarkii ayaa weydiiyey waa maxay dhibaatada ku heysata?.

Haweeneeydii ayaa tiri:- Datoore ma garanaayo waxaan sameeyo, maalin markaan wax yar Doodno Ninkeyga waxaa ku Ziyaado Carro (xanaaq) sabab la’aan, aad ayeyna ii Cabsi gelisaa.

Dhaqtarkii ayaa yiri:- Daawo ayaan u hayaa taasi, goortii ay u muuqato in Ninkaagu uu Caroonaayo soo qaado koob Biyo ah Afka ka buuxso, ka dibna ku haay Afka, sidii qof Luq-luqanaaya, ha Tufin hana Laqin ilaa uu Baxo ama uu Seexdo.

Bil ka dib ayey Haweeneeydii ku soo noqotay Dhaqtarkii iyadoo wejigeeda uu Farxad ka muuqdo, waxeyna ku tiri:- Datoore alla maxaa Fikrad Cajiib ah i siisay, mar kastoo uu bilaabo inuu aad u caroodo Biyaha ayaan Afka buuxsanaayey, kuna haaynaayey ilaa uu Xanaaqa ka Baaba’o. waxaanse la yaabanahay sidee Koob Biyo ah waxaas u sameyn karaa?. Dhaqtarkii ayaa ugu jawaabay:- Biyaha wax ma sameynin ee inaad Afkaaga xirato ayaa Farsamada iyo Xeeladda keentay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

2 Comments : Qiso Cajiib Ah Oo Aad iyo Aad Kaaga Yaabin Doonto Xikmada Ku Qarsoon iyo wixii Dhex Maray Dhaqtarkii Iyo Marwadii Xaaska Aheyd..!

  1. osman galmadoobe says:

    wadhaqtar wanagsan waxu bad badinayay gabadha gurigeeda inusan kadumin

  2. kkkkk sx wlh af dabolan dahab hora lo dhahy bo

Leave a Reply