Qiso Cajiib Ah:- Maxaa Dhex Maray Ninkii Arooska Ahaa Ee Gabadhii Aroosada Aheyd U Sheegtay Inuu Hooyadiis Ka Dheeraado.

3

RAGGU KALA WACANAA.

Habeenkii Arooskiisa ahaa, xilligii Durbaan tumista Arooska, saacadihii ugu wanaagsanaa, isagoo Caruusadiisa dhinac fadhiya, ayey Dhegta ugu sheegtay Hadal, oo ay kaga codsatay inuu Hooyadiis oo markaa la Fadhiday ka dheeraado Agteeda, maxaa yeelay ma eysan Cajab gelin.

Wiilkii oo hadalkaasi Fajac ku noqday ayaa intuu Microphonekii qaatay ayuu yiri:- Hooyadeey yaa iga iibsanaayo (Gadanaayo), (Saddex jeer ayuu ku Cel-celiyey, dadkii Martida waxey la yaabeen qaabka uu Ninkan wax u wado.

Haddaba, Wiilkii intuu tuuray Fargeshigii (Faraantigii) ayuu yiri: Aniga ayaa iibsanaayo Hooyadeey, ka dibna wuxuu jaleecay Caruusaddii, Dadka oo wada maqlaayo ayuuna ku dhawaaqay Dalqaddii Furitaankeeda, isagoo leh Hooyadeey anaa iibsanaayo ayaa Gacanta intuu qabtay Hooyadiisa ayuu Albaabka kala degay Goobtii Arooska.

Ka dib Qisadii markeey is qabatay Xaafadii uu degenaa, ayaa waxaa u yimid Nin, wuxuuna ku yiri:- Gabadheyda Heblaayo adiga Nin kaga wanaagsan ma jiro, ka dibna Gabadhiisii ayuu u Guuriyey, isagoon weydiin wax Yarad iyo Xoolo toona.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW XAQA NA WAAFAJI).
W.Q:- Macoow Ustaad.

3 COMMENTS

Leave a Reply