fb

Maxaa Lagu Gartaa Qofka Caaqilka Ah ee Allah U Dhameystiray Hibada Caqliga Ee Nolosha Aduun Iyo Mid Aakhiraba.

Published: May 2, 2015, 10:12 am

Sidaan Ogsoonahay Dadka Allaah Ayaa Abuuray, Qof walbana wuxuu siiyey Caqli uu ku kala garto waxa Xun iyo waxa San, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana lagu kala horeeyaa Caqliga.

Haddaba, waxaan Mowduuceena Maanta ku soo qaadaneynaa Dadka kuwooda Caqliga leh, Anagoo u qeybin doonna Afar, kuwaasoo kale ah:-

RUUXA CAQLIGA LEH:-

1- Waa Ruux Raali geliyey Allihii Abuuray, intuusan la kulmin ka hor. (waa Qof camal wanaagsan soo sameystay Intuu Noolaa).

2- waa Ruux Dunida ka tegay, ka hor inteysan iyada ka tegin isaga. (Waa Qofka u Go’doomay Cibaadada Rabbi, ee ka tegay Hawooyinka Adduunka).

3- Waa Ruux dhistay Qabrigiisa, Intaan la gelin isaga ka hor. (Waa Qofka shaqeystay Camalkiisa Aakhiro).

4- Waa Ruux Tukaday, Intaan isaga lagu Tukan ka hor. (Waa Qofka ku Dadaalay Salaadda Rabbi, inta uu Dunida ku noolaa).

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW KHAATUMO KHEER NA SII).
W.Q:- MACOOW USTAAD.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply